Barre Hiiraale:-"Waxaa la isku raacay in dekedda la xiro si

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Barre Hiiraale:-"Waxaa la isku raacay in dekedda la xiro si

Post by CoolPoisons »

Kulan aad u ballaaran ayaa waxaa manta xarunta hoyga Baranwaa ee magaalada Kismaayo ku yeeshay 4 xildhibaan ee magaalada Kismaayo ku sugan, guddoomiye ku xigeenka gobolka J/hoose, siyaasiyiin, waxgarad iyo ganacsato ka soo jeeda beesha Sade, kulankaasoo ay qabashadiisa lahaayeen xildhibaanada ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha ammaanka Kismaayo, iyadoo ugu danbeyntii ay ka soo baxeen go'aamo adag.

Ugu horeyn waxaa kulanka furay guddoomiye ku xigeenka gobolka J/hoose Axmed Cabdi Cumar (Sandheere) oo baal maray ujeedada kulanka oo uu ku sheegay in ay la xiriirto wadatashiyo dhinaca nabadgelyada ah oo ku aadan sidii qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mudanayaasha baarlamaanka DKMG ah ee Somalia ay wax uga qaban lahaayeen falal ammaanka wax u dhimayo oo maalmahan Kismaayo hareeyey iyo in la qaato tallaabo wax loo qaban karo.


Ismaaciil Maxamed Nuur (Qalinle) oo ka tirsan Golaha siyaasadda ee beesha Sade ayaa ku eedeeyey golaha uu xubinta ka yahay in ay iyagu mas'uul ka yihiin amni xumada oo ay ka jiifaan in ay nabadgelyada magaalada sugaan, wuxuuna eed dusha kaga tuuray golaha siyaasadda oo uu xusay in aysan marnaba ku fekirin qorshe ammaanka lagu xakameynayo, taasoo uu ku tilmaamay ammuur u muuqan karto daneysinimo.


Markii uu kulankaasi dhammaaday ayaa xubnihii ka qeybgalay waxay xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) u wakiisheen in uu u akhriyo saxaafadda go'aamada ay ka qeybgalayaasha isku waafaqeen, kaasoo isagoo akhrinayey go'aamadaasi yiri:-'Waxaa la isku raacay oo xubnihii kulanka wada yeeshay ay isku afgarteen in marka ugu horeyso dekedda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo la xiro si kumeel gaar ah inta laga xaqiijinayo ammaanka, waxaa kale oo qeybaha kala duwan ee ciidamada magaalada Kiamaayo la faray in xeryahooda ay dib ugu laabtaan oo ay halkaasi isugu tagaan, waxaanu magacawnay guddi ka kooban 4 xubnood oo arrimaha ciidamada loo xilsaaray, ammaankana waxaanu rajeyneynaa in aan sugno oo aan gacanta ku dhigno'', ayuu yiri Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo warfidiyeenka uga waramayey go'aamada ay soo saareen.


Go'aamadan ayaa waxaa ay ku so beegmayaan xilli go'aan midkan lamid ah ay iyaguna gaareen Golaha dhaqanka ee beesha Sade oo Nabadoon u hadlay oo la yiraahdo Cabdi Warsame Gurux uu ka sheegay warbaahinta Kismaayo maanta in kulan ay yeesheen golahooda lagu guddoonsaday in muddo 3 cisho ah dekedda Kismaayo la hakiyo howlaheeda shaqo inta buu yiri nabadgelyada marsadda laga sugaya, dhanka kale waxaan la ogeyn in Golaha dhaqanka iyo xubnaha kale ee kulanka yeeshay ay isku aragti ka yihiin howshan dekedda lagu xirayo.



Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.

http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=362
User avatar
QansaGabeyle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14164
Joined: Wed Feb 27, 2002 7:00 pm
Location: Beled Xawo, Somalia
Contact:

Re: Barre Hiiraale:-"Waxaa la isku raacay in dekedda la xiro si

Post by QansaGabeyle »

With the food shortage problem in Somalia at the moment, closing down the port is focking stupid.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”