Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Gedo Oo Gaarey Deegaanada Ceelcadde Iyo Baambo Xaliimo Ee Gobalka GEDO
May 05,2008
by CeelCadde-GEDO-NN
Wafdigan oo isugu jira xubnaha maamulka cusub ee Gobolka Gedo,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, hogaamiyayaal dhaqameedyo oo uu ka mid yahay Ugaaska Beesha Garre, Ugaas Aden Ugaas Cali iyo masuuliyiin kale ayaa saaka waxaa ay ka ambabaxeen degmada Garbahaarey ee caasimadda gobolka Gedo, iyadoo socdaalkooduna lagu sheegay in ay la xariirto u kuur gelida xaaladaha nololeed ee deegaanadaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Xuseen Farey) oo u waramayey Gedonet,isagoo xilligaasi ku sugnaa Deegaanka Ceelcade ayaa waxuu sheegay in Tuulada Baambo-Xaliimo ay u sii gudbi doonaan si Ugaaska Beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ay ula socodsiiyaan natiijooyinkii ka soo baxay doorashadii heerka gobol ahayd ee dhowaan ka dhacdey magaalada Garbahaarey, maadama Ugaaska goobta uu ka maqnaa, balse wakiiladiisu ay joogeen.
Xuseen Farey ayaa sidoo kale waxaa uu intaasi ku darey in socdaal dhowaan ay ku mari doonaan isaga iyo wafdigiisa dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gedo, si aanu sharaxaad ugu bixino ayuu yiri qorshayaasha cusub ee aanu ku dooneyno in aanu wax kaga qabano xaalada guud ee gobolka.
Socdaalkani ayaa ah kii ugu horeeyey ee maamulka cusub uu ku kala bixiyo deegaano ka tirsan Gobolka tan iyo intii loo dhaariyey Xilka Gobolka Gedo
A C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere
http://www.gedonet.com/index.php?news=2958
Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Gedo Oo Gaarey
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Gedo Oo Gaarey
why did he go to Celcade first? cause he's Rer Garad?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 981 Views
-
Last post by sahal80
-
- 5 Replies
- 940 Views
-
Last post by muftaax
-
- 72 Replies
- 4415 Views
-
Last post by :-)
-
- 0 Replies
- 426 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 520 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 4 Replies
- 829 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 503 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 721 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 0 Replies
- 393 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 553 Views
-
Last post by Coldoon