Kismaayo:Maxaa ka soo baxay kulamadii ay qaateen maamulka kismaayo iyo Xildhibaanada kismaayo ku sugan
[2008-05-10 14:10:26] Labadii maal mood ee la soo dhaafay waxaa magaalada kismaayo ka dhacayay kulamo ay lahaayeen maamulka xiligaan ee kismaayo iyo xildhibaanada baarlamaanka ee ku sugan kismaayo waxaase la iswaydiinayaa maxaa ka soo baxay.
Inkastoo uu magaalada kismaayo ka jiray mugdi soo wajahay dhanka maamulka iyo siyaasada tan iyo markii ay kismaayo yimaadeen 4 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha Sadde uuna hogaaminayo Barre Aadan shire (hiiraale)ayaa hadana waxaa dhacayay kulamo ay qaadanayeen xildhibaanada iyo mas,uuliyiinta xilgaan ee kismaayo waxaana kulamadaas looga hadlayay sida ay xildhibaanadu u doonayaan in loo wanaajiyo habka maamulka magaalada loogana qayb galiyo beelaha deegaanka taas oo ay ka shakiyeen raga haatan maamula in xildhibaanadu ay doonayaan in ay xilka ka marooqsadaan taasna waxaa ay keentay in la kala shir shiro oo waxba la iska maqli waayo, waxaase ka waramay waxyaabihii ka soo baxay kulamadas Yaasiin nuur Gaas oo ah gudoomiyaha gudiga siyaasada beesha Sadde ee jubooyinka.
Mr Raadeer waxaa uu sheegay in ayaga iyo xildhibaanadu ay heshiiyeen ayna ku heshiiyeen in wax lawada qabto,amaanka laga wada shaqeeyo,dib u heshiisiintana laga wada qayb qaato xildhibaanaduna ay wafdi magalad jooga yihiin,laakiin kalmadahaas oo marka dhinac loofiirsho ah kuwo wanaagsan hadana waxaa ay u muuqdaan in uusan si dhab ah kaga waramin waxyaabihii ay is yiraahdeen xildhibaanada oo ah ragii ugu tunka waynaa siyaasada beesha Sadde balse markii ay ksimaayo yimaadeen laga dhigay rag aan beesha u dhalan oo marti ah balse aysan ayagu ahayn kuwo sifadaas leh oo waxaa hal mar qaylo ka timid raga haya talada magaalada oo is yiri waa la idinka marooqsaday xilkii aad ku maamulayseen dhaqaalaha ka soo xarooda dekeda kismaayo oo ninba maalin wado uu u soo maray.
Maanta ayaa mar kale waxaa loo balansan yahay kulamo hor leh oo dhex mara xildhibaanada iyo maamulka magaalada lamana oga waxyaabaha ay kaga wada hadli doonaan fadhigaas oo daba socda kuwii hore oo qaarkood fashil ku dhamaaday ayadoo la isku fahmi waayay sida beelaha kale ee deegaanka looga qayb galinayo maamulka iyo in ay magaalada ka shaqeeyaan xubnihii ay dowlada KMG ah u magacowday xilalka kala duwan taas oo ay ka soo hor jeesteen raga haya talada xarunta jubbada hoose ee kismaayo.
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=698
Maxaa ka soo baxay kulamadii ay qaateen maamulka kismaayo iy
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 311 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 291 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 7 Replies
- 498 Views
-
Last post by Bunayste
-
- 7 Replies
- 1345 Views
-
Last post by Dr.Galbeyte.
-
- 10 Replies
- 1012 Views
-
Last post by snoop12
-
- 10 Replies
- 631 Views
-
Last post by Halmogg
-
- 0 Replies
- 1560 Views
-
Last post by The_Patriot