Qofkee Qorshihiisa mustaqbalka ay ugu jirtaa-------------

Afka hooyo :) Qaybtan waxaa loogu talagalay dadka wax ku qora luqada Soomaaliga.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

boode- afdheere
Posts: 8
Joined: Sat Mar 08, 2008 7:18 am

Qofkee Qorshihiisa mustaqbalka ay ugu jirtaa-------------

Post by boode- afdheere »

marka hore dhamantiin Salaan qaali ah ayan idiin soo gudbinayaa, marka xiga waxan rabaa in aan idiin idin so dhexdhigo Mowduuc aan ugu talogalay in aan Sualo dhowr ah idinku waydiiyo qof walbana uu markas kasoo jawaabo isaga oo ku saleenayo jawaabtiisa wax run ah oo aan kaftan ama mujaamalo ahayn, sualaha qayb waxay quseesaa Wiilasha keliya qaybna gabdhaha markas qof walba isaga Suasha sida gaarka ah loowaydiiyay haka soo jawabo. waa kuwan Sualaha:

SUALAHA WIILASHA KU SOCDA.

1- Qorshahaaga mustaqalka maku jirtaa ama maku fekertaa hadii ilaah idmo in aad Guursato wax ka badan hal NAAG (Xaas)ah ??

2- Hadii ay jawaabtadu HAA tahay imisa Reer ayad ku talo jirtaa hadii ale kula qabto in aad Samaysato(2 mase 3 mase 4)??

3- Waa maxay Sababta aad ku dooratay in aad Guursato ka badan hal Xaas(Sharaxaad ka bixi sababaha ugu muhiimsan ee aad u guursan wax ka badan hal Xaas)??, Isla marka hadii jawabtaadu tahay MAYA aniga hal Xaas bes ayan guursan maxad ku dooratay sidas?

4- Ma waxad ku fekertaa in aad guursato Gabar SOMALIYEED mase gabar Ajnebi ah, hadii aad Gabar Ajnebi ah rabto in aad guursato maxaad ku dooratay??.

5- XAASKAGA ama XASASKAGA aad guursan doonto hadii ale idmo Ma waxad jeceshahay in aad ku guursato JACAYL oo aasaska Guurkaga uu noqdo qof aad isjeclaataan Mase JACAYL muhiim kuma aha ee waxyaalaha kale oo wanaagsan ayad ku dooran Gabadha aad gursaneesa ??.

SUALAHA GABDHAHA KU SOCDA.

1- Maxad ka qabtaa hadii ninkaaga adiga aad ugu horeeso Xaas markas kadibna uu kula guursado Xaas kale hadii uu yahay nin wanagsan oo sida diintu qabto reerihiisa ku wada dhaqanayo??

2- Hadii aad diidan tahay sideedaba in lagula guursado Xaas kale Maxad ku diidantahay oo sabab aad uga dhigeesaa hadii ninkaga uu si xaq ah ku dhaqan karo reerihiisa??.

3- Ma waxad jeceshahay ninka aad guursaneeso in aad ku Guursato JACAYL oo aad adiga dooratay Mase taas Shardi adag kuma aha oo markas hadii Waalidkaa adiga oo aan cidna jeclaan ay nin kale kuu gartaan oo ku siiyaan waad ku waafiqin oo guursan??

4- Ma waxad jeceshahay in aad guursato nin aan waligiis guursan adiga hortaa mase mid soo guursaday Naag ama Naago hore?? mase waba isugu kaa mid oo farqi kuma kala laha??

5- Ma waxad jeceshahay in aad guursato nin Somali ah mase tas muhiim kuma aha ee nin AJNEBI ah oo Muslim ah waad Guursan kartaa ?? Hadii aad jeceshahay in aad Guursato nin AJNEBI ah maxaad ku dooratay taas??.


waxan codsanayaa qof walba in uu sida runta ah ee uu jecelyahay isagu ama dookhiisa ah uu u soo jawaabo, qof walbana waa in uu sharaxaad ka bixiyo jawaabihiisa si markas looga faidaysto waxii feker fiican ah ama talo wanagsan ah.
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Qofkee Qorshihiisa mustaqbalka ay ugu jirtaa-------------

Post by kaliil »

adigu iska bilow horta markaasay dadka kalena kuusoo jawaabiye
miss_isaaq
Posts: 24
Joined: Wed Feb 20, 2008 2:49 pm

Re: Qofkee Qorshihiisa mustaqbalka ay ugu jirtaa-------------

Post by miss_isaaq »

:somaliland: marka hore salan marka xigta waxan jeclahay anba dokhayga ahan laha loool ninka marka hore wa inuu boy igu diina iguna dhaqan ah soo somaliah marka xigta nin an jacayl isku qadanay marka xigtana wa nin an waligii guursan mida kalana ninkaayga in an aniga ugu horeeyo naag kalana ila guursan haduu guur dee hami ka soogalana de fuck off lol maxa isku shegaynaa oki mida kalana nin ka wa in an aniga doorta 2 dena wa in an iska kelnaa ta walidkana de walidka waxay jecel yihi haday dhahan guurso de hadan ka keli wayo anba dooqayga noqon waye de maxan isku shegayna haday walidka ka heleen ana an ka heli waayay qasab ku guurso de maha hadal walidka iyaga guri ima galayan marka arinta kama yeleen ana dooqa iyo ka helitaanka igu xidhantahay oki mahadsanidiiiiiin waka jawaabahaygii oo idil looooooooooooooooooool
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Re: Qofkee Qorshihiisa mustaqbalka ay ugu jirtaa-------------

Post by KeligiiJabhad »

Sidoo kale sxb waa Sallaaman tahay!

Waxaan isku eeggayaa in su'aalahaaga aan uga jwaabo sida ay isugu xiggaan,
aniga oo qodob qodob u soo xiganaya. Jawaabahaygana sidan ayaan ku bilaabayaa...

Weydiin taada 1-aad:
"Qorshahaaga mustaqalka maku jirtaa ama maku fekertaa hadii ilaah
idmo in aad Guursato wax ka badan hal NAAG (Xaas)ah ??"

Warcelin:
Qorshahayga mustaqbalka ee wakhti xaadirkan kuma haminayo in aan guursado wax
ka badan HAL XAAS! Mase oggi mustaqbalka dambe sida ay noqon doonto; iilamase
muuqato in guursan doono, sida aan sheegay, wax ka badan HAL XAAS AH.

Weydiintaada 2-aad:
"Hadii ay jawaabtadu HAA tahay imisa Reer ayad ku talo jirtaa hadii ale kula
qabto in aad Samaysato(2 mase 3 mase 4)??"

Warcelin:
Sida aan sheeggay waxaan jeclahay in aanan dhaafin HAL Xaas!
Haddii Eebbe Idmo, Indha Allah...

Weydiintaada 3-aad:
"Waa maxay Sababta aad ku dooratay in aad Guursato ka badan hal Xaas
(Sharaxaad ka bixi sababaha ugu muhiimsan ee aad u guursan wax ka badan
hal Xaas)??, Isla marka hadii jawabtaadu tahay MAYA aniga hal Xaas
bes ayan guursan maxad ku dooratay sidas?"

Warcelin:
Ififaallooyinka jira xilligan sida laga dheehan karo waxaan qabaa in noloshu
ay ku macaan tahay, haboon tahay, kuna bilicsan tahay in HAL Xaas. Sababtu
waxay tahay iyadoo ay taasi xasilinayso Qofta aan jeclahay in nolosha aanu
si wada jira u qaybsano annaga oo dhinac kasta isaga raali ah...

Weydiintaada 4-aad:
"Ma waxad ku fekertaa in aad guursato Gabar SOMALIYEED mase gabar Ajnebi ah,
hadii aad Gabar Ajnebi ah rabto in aad guursato maxaad ku dooratay??."

Warcelin:
Warcelinta oo gaabani waxay tahay: Guurkeygu wuxuu ku xeerran yahay in
aan la galo mid ka mid Gabdheheena Soomaaliyeed ee Qaaliga ah!

Weydiintaada 5-aad; uguna dambaysa weydiimahaaga:
"XAASKAGA ama XASASKAGA aad guursan doonto hadii ale idmo Ma waxad jeceshahay
in aad ku guursato JACAYL oo aasaska Guurkaga uu noqdo qof aad isjeclaataan Mase
JACAYL muhiim kuma aha ee waxyaalaha kale oo wanaagsan ayad ku dooran Gabadha aad gursaneesa ??."

Warcelintayda & Gunaannadka:
JACAYLKA & Xulashaduba waa laba shey oo aasaasi ah isla markaasna aan la dhaafi karin.
Sidaas aawadeed waxaa muhim ah in ay labaduba gundhig u noqdaan Qorshahayga Guurkeyga...(HEI)
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - Soomaali”