Qofkee Qorshihiisa mustaqbalka ay ugu jirtaa-------------
Posted: Sun May 11, 2008 6:29 pm
marka hore dhamantiin Salaan qaali ah ayan idiin soo gudbinayaa, marka xiga waxan rabaa in aan idiin idin so dhexdhigo Mowduuc aan ugu talogalay in aan Sualo dhowr ah idinku waydiiyo qof walbana uu markas kasoo jawaabo isaga oo ku saleenayo jawaabtiisa wax run ah oo aan kaftan ama mujaamalo ahayn, sualaha qayb waxay quseesaa Wiilasha keliya qaybna gabdhaha markas qof walba isaga Suasha sida gaarka ah loowaydiiyay haka soo jawabo. waa kuwan Sualaha:
SUALAHA WIILASHA KU SOCDA.
1- Qorshahaaga mustaqalka maku jirtaa ama maku fekertaa hadii ilaah idmo in aad Guursato wax ka badan hal NAAG (Xaas)ah ??
2- Hadii ay jawaabtadu HAA tahay imisa Reer ayad ku talo jirtaa hadii ale kula qabto in aad Samaysato(2 mase 3 mase 4)??
3- Waa maxay Sababta aad ku dooratay in aad Guursato ka badan hal Xaas(Sharaxaad ka bixi sababaha ugu muhiimsan ee aad u guursan wax ka badan hal Xaas)??, Isla marka hadii jawabtaadu tahay MAYA aniga hal Xaas bes ayan guursan maxad ku dooratay sidas?
4- Ma waxad ku fekertaa in aad guursato Gabar SOMALIYEED mase gabar Ajnebi ah, hadii aad Gabar Ajnebi ah rabto in aad guursato maxaad ku dooratay??.
5- XAASKAGA ama XASASKAGA aad guursan doonto hadii ale idmo Ma waxad jeceshahay in aad ku guursato JACAYL oo aasaska Guurkaga uu noqdo qof aad isjeclaataan Mase JACAYL muhiim kuma aha ee waxyaalaha kale oo wanaagsan ayad ku dooran Gabadha aad gursaneesa ??.
SUALAHA GABDHAHA KU SOCDA.
1- Maxad ka qabtaa hadii ninkaaga adiga aad ugu horeeso Xaas markas kadibna uu kula guursado Xaas kale hadii uu yahay nin wanagsan oo sida diintu qabto reerihiisa ku wada dhaqanayo??
2- Hadii aad diidan tahay sideedaba in lagula guursado Xaas kale Maxad ku diidantahay oo sabab aad uga dhigeesaa hadii ninkaga uu si xaq ah ku dhaqan karo reerihiisa??.
3- Ma waxad jeceshahay ninka aad guursaneeso in aad ku Guursato JACAYL oo aad adiga dooratay Mase taas Shardi adag kuma aha oo markas hadii Waalidkaa adiga oo aan cidna jeclaan ay nin kale kuu gartaan oo ku siiyaan waad ku waafiqin oo guursan??
4- Ma waxad jeceshahay in aad guursato nin aan waligiis guursan adiga hortaa mase mid soo guursaday Naag ama Naago hore?? mase waba isugu kaa mid oo farqi kuma kala laha??
5- Ma waxad jeceshahay in aad guursato nin Somali ah mase tas muhiim kuma aha ee nin AJNEBI ah oo Muslim ah waad Guursan kartaa ?? Hadii aad jeceshahay in aad Guursato nin AJNEBI ah maxaad ku dooratay taas??.
waxan codsanayaa qof walba in uu sida runta ah ee uu jecelyahay isagu ama dookhiisa ah uu u soo jawaabo, qof walbana waa in uu sharaxaad ka bixiyo jawaabihiisa si markas looga faidaysto waxii feker fiican ah ama talo wanagsan ah.