War Saxaafadeed Uu Ka Soo Saaray Ururka Horumarinta Gobollada Jubbooyinka (Gedo;J/Djex,J/Hoose):JUBBA REGIONS DEVELOPMENT ORGANIZATION:Shirkii Ka Dhacay Magaalada Baydhabo Bishan 11keedii Oo Lagu Doonayay In Lagu Carqaladeeyo Gobollada Jubbooyinka
May 14,2008
byColumbus-GEDO-NN
Waxaa bishan 11keedii magaalada Baydhabo ee gobalka Baay shir isugu yimid xubno ay ka mid yihiin Sheekh Aadan Madoobe, Xasan Abshir, Col.Shaargaduud, iyo xubno kale oo ujeedadoodu aheyd hindise been abuur ah oo lagu doonayo in lagu dhibaateeyo gobollada jubbooyinka xasiloonidooda iyo jiritaankooda.
Idaaradda Ururkan waxay uga digayaan shaqsiyaadka aan kor ku xusansoo inay ka foojignaadaan Qorshahii been abuurka ahaa ee lagu soo maleeygay Garowe Sannadkii 2000,oo loo gu yeeray Col. Shaati Gaduuud iyo Dr. Hussein Bood oo danaha gaar ahaaneeyd laga lahaa, kadibna uu ku sirmay Col. Shaati Gaduud kadib markii waxaan jirin oo Ismaamul 6 Gobol ah inuu ku dhawaaqo lagu amray in la isku dayo in dib loo soo nooleeyo.
Waxaa caada noqotay marka hadba dalka dhibaato Siyaasadeed soo foodsaarto in la isku dayo in la mashquuliyo Gobolada la qiyaasayo haddii ay gadoodaan inuusan hadba xukunka jiraa uusan awood yeelan Karin in wax lagu mash quuliyo loo helaa mooyaane. Laakiin fikirka iyo falsadda ay wataan Xibnaha ka tirsan Dawladda Federaalka oo kor ku xusan waxay tahay inayan marnaba hirgelin Yididiilada Jubbaland oo soo jireenka ahaa ilaa Qarnigii 17, ee Mustacmaraddii Ingriiska ay kala wareegtay Sultanaddii Oman oo ilaa Zanzibaar xukuntay 1898, kadibna dib loogu wareejiyay June 30, 1925, Talyaaniga oo markaa haystay Italian Somaliland oo ka bilaabaneeysay Marka,Mogadishu, Baidoa ilaa Bari.
Jubbaland , waxay ka bilaabantaa Dawloo ilaa Baraawe. Sahcabka halkaas degganna Beela kastaa oo ay yihiimba waa dad Walaala ah, ahna Muwaadhinint a reer Jubbaland. Midnimadoodana ay tahay mid muqadas ah.Shacabka Gobolada Jubbooyinka waxaan ugu baaqeeynaa inay u diyaar garoobaan Dhismaha Ismaamul Goboleedka3 Gobol ee Juubbooyinka.
Sidoo kale , waxaan ugu baaqeeynhaa Labada Gole ee Beesha SADE ka dhisant Gobolka J/Hoose gaar magaalada Kismaayo oo ay ku kala magacaabeen:
1) Golaha Siyaasadda Beesha SADE
2) Golaha Dhaqanka Beesha SADE.
3) Xildhibaanada dowladda federaalka ee ka soo jeeda degaanada jubbooyinka ee ku sugan magaalada Kismaayo: Inay degdeg looga qeeyb galiyo dhammaan Beelaha Soomaaliyeed ee Gobolka la deggan si cadaalad iyo sinnaan ah, si golahu u noqda:
a) Golaha Siyaasadeed ee dhammaan shucuubta Gobalad Jubbooyinka.
b) Iyo Golaha Guurtida Dhaqanka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka. Arrinkaasi, waxay soo dedejin doontaa dhismaha Ismaamul Goboleedka Jubbaland.
Halkaana waxaa ka muuqato in dhibaatada ay ka wadaan qolooyinkii ku shiray magaalada Baydhabo ee ka tirsan dawladda Federaalka KMG ay aad uga shaqeeyeen in lala dagaalamo himilada iyo horumarka Shacabka iyo Deggaanadooda Jubbooyinka. Waxaan rajaynaynaa in masuuliyiinta Gobolada Jubbooyinka ay ka fiirsadaan talaabooyinkooda si ay uga feejignaadaan dibin daabyada la maleeygayo oo idinka la isu kiin adeegsanayo.
Xildhibaanada dawladda federaalkana ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaan ka codsaneynaa inay loobiga deggaanada seddexda gobolna ay badiyaan marka ay doonayaan in hawlgal cusub la sameeyo. Dhinaca dawladana kasoo bisleeyaan masuuliyiinta niyadda xalaasha ah leh, oo ayan danayn waxa ay ku hadaqayaan canaasiirta iyo makstaba ka shaqeeyso sidii shacabka gobolada Jubbooyinka loo dhabaateyn lahaa.
Ugu dambeyn, waxay Idaaradda Ururkaan ugu baaqayaan Shacabka Goboloda Jubbooyinka inay u diyaar garoobaan dagaalka Siyaasadeed ee maalintii bishan Maajo 11 shirka shirqoolka ah oo la doonayo qorshahii beenta ahaa ee laga soo minguuriyey shirkii 2000 lagu qabtay Garowe aad uga digtoonaataan. Idaaraddana waxay u sheegayaan kuwa arrinkaa ihaaneynta ah wado inay cawaaqib xumo la kulmi doonaan, haddii aysan ka tanaasulin carqaleynta ay kula dhex-meerasanayaan
Deggaanada Jubbooyinka.
IDAARADDA URURKA HORUMARINTA GOBOLADA JUBBOOYINKA
A Sheekh
gntlbok@yahoo.com
http://www.gedonet.com/index.php?news=2997
JUBBA REGIONS DEVELOPMENT ORGANIZATION:Shirkii Ka Dhacay
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 31 Replies
- 1991 Views
-
Last post by OliveOil
-
- 0 Replies
- 532 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 7 Replies
- 422 Views
-
Last post by zingii
-
- 2 Replies
- 387 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 3 Replies
- 18 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 8 Replies
- 961 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 2 Replies
- 649 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 1 Replies
- 402 Views
-
Last post by original dervish
-
- 13 Replies
- 667 Views
-
Last post by udun