Xisbiyada somaliland uu heshiis gaadhay Mashallah
Posted: Thu May 15, 2008 8:53 am
Kulankii Caawa dhex maray xukumada iyo Xisbyada Mucaaridka ah ee Somaliland oo guul laga gaadhay
Written by Qarannews
May 14, 2008 at 09:02 PM
Hageisa(Qarannews)- Madexweynaha somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Gudoomiye ee Xisbiyadda mucaaradka ee Md.Axmed Maxamed Maxamuud ( siilaanyo ) Md. Faysal Cali Waraabe ayaa caawa kulan ku dhexmaray Xaruunta Qasriga Madextooyada ee Magaaladda Hargeysa.
Kulan oo ku saabsan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafaadka cakiran oo dhextaagan labada dhinaca ayaa ka danbeeyey mar uu galinkii danbe ee maanta uu wasiirka maaliyaddu ku booqday Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye gurigiisa.
Si xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka siyaasadeed cirka isku sii shareeray ka dib markii uu dhawaata burburta dhexdhexaadintii uu ka dhex- waday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada somaliland Md.Cabdiraxmaan Cirro
sida ay sheegayaan ilo xogxogaal ah u dhaw dhaw labada dhinaca waxaa la isla afgartay in laga wadda hadlo oolaga wada tashaddo waxkasta oo la isku hayo, waxaana loo balansan yahay in maalinta beri laga wada hadlo wixii lagu muran-sanaa oo dhan.
Labda gudoomiye mucaarid iyo madaxweynaha ayaa bari u balansan in ay qado ku wada qaataan qasriga madaxtooyada, halkaasi oo kulanka caawa bilaabmay lagu soo afjari doono, gudoomiyaha xisbiga UCID, oo caawa saxaafdala hadlay ayaa dareen farxadleh ka muujiyay kulankaasi caawa, waxa aanu yidhi cadawga Somaliland waxa aan u dirayaaa fariin ah in aanu is afgaranay oo aanu dadkayga iyo dalkayaga u shaqaynayno, mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in wada hadalkii caawa uu guul ku dhamaaday, sidoo kale madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa dhoola cadayn iyo farxad aad u balaadhan caawa iyaguna muujiyay, waxana ay sadexada masuul caawa ka sinaayeen farxad iyo dabaal daga ay u dabaal dagayaaan guusha ay maanta gaadheen ee ka dhalatay wada hadalkoodii. caawa taasi oo lagu wado in ay bari saxaafda u warmaan si wada jirahan u soo saarna warsaxaafdeed loo qaybiyo caalmka oo dhan.
Khilaafaadka siyaasadeed ayaa ka dhashay mudo-kurdhin hal sanno ah oo ay dhawaan Golaha Guurtidu ugu kordhisay xukumadda somaliland oo iyada xilkii shanta sanno ay kaga dhan tahay maalinta beri 15-ka bisha may 2008
Source Qarannews
Hargaysa