Guddoomiyaha gobolka Gedo oo qeybo kala duwan kula kulmay Doolow
Waftiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) oo maalmahan socdaallo kala duwan ku marayey qeybo badan oo gobolka Gedo ka tirsan ayaa haatan gaaray degmada Doolow ee ku taal xadka gobolka uu la wadaago dowladda Ethiopia, halkaasoo waftiga ay kula kulmeen dhinacyo dhowr ah.
Guddoomiye Xuseen Farey ayaa kulan dheer xalay la qaatay mas'uuliyiinta hay'adda Care ee ku sugan magaalada Doolow, kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayey arrimaha ammaanka ee gobolka iyo sida Care ay gacan buuxda uga geysan laheyd taakuleynta dad badan oo si ba'an Gedo ugu tabaaleysan, waxaa kale oo kulanka la iskula soo qaaday ka bixitaanka hay'adda Care ay dhawaan shaqaalaheeda kala baxday degmada Beledxaawo kadib markii cagajugleyn iyo hanjabaado ay soo gaarsiiyeen koox maleeshiya kuwa deegaanka ah, Mr Xuseen Farey ayaa u ballanqaaday guud ahaan hay'adaha gargaarka ee gobolka ka shaqeeya iyo kuwa iminka damacsan in ay ka howlgaan in maamulkiisa uu taageero ka siin doona dhanka nabadgelyada oo uu si weyn u sugi doona ammaanka samafalayaasha.
Xubnaha waftiga waxaa kale oo ay kulan la qaateen saraakiisha maamulka degmada Doolow oo ay kala hadleen qaabka shaqo ee degmada iyo xaaladaha ammaan ee gudaha, sii hayaha xilka guddoomiyaha degmada Doolow, ahna guddoomiye ku xigeenka degmadaasi ayaa u sheegay waftiga maamulka sare ee gobolka Gedo in Doolow ay kamid tahay degmooyinka Gedo ugu nabdoon, laakiinse waxaa uu intaasi ku daray in ay taagan tahay baahi bani'aadanimo oo daran.
Qeybaha uu ka kooban yahay waftiga uu horkacayo Xuseen Farey ayaa horay safar ugu tagay degmada Luuq , halkaasoo ay ku soo heshiisiiyeen laba beelood oo in muddo ah is hayey, waxaa la filayaa in lugta saddexaad ee socdaalkooda kormeerka ah ay ku tagi doonaan magaalada Beledxaawo sida ay leeyihiin wariyeyaasha la socda wafuuda guddoomiyaha gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey).
Xafiiska warqabadka Gedoweb ee Columbus, Ohio.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=398
Guddoomiyaha gobolka Gedo oo qeybo kala duwan kulmay Dolow
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 581 Views
-
Last post by adanboy
-
- 2 Replies
- 665 Views
-
Last post by Ugaas Diini
-
- 1 Replies
- 364 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 3 Replies
- 458 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 30 Replies
- 1359 Views
-
Last post by samadoon-waaxid
-
- 13 Replies
- 699 Views
-
Last post by shitguy
-
- 1 Replies
- 428 Views
-
Last post by Madman23
-
- 1 Replies
- 378 Views
-
Last post by snoop12