Gudoomiyaha Golaha Siyaasadda Ee Jubbooyinka Yaasiin Nuur Gaas (Yazsin Raader):Haddii Aysan Ka Bixin Nimanka Jilib Iyo Kabsuuma Qabsadey Annaga Ayaa Ka Saari Doono
Gudoomiyaha Golaha siyaasadda Beesha Sade ee Gobolada Jubbooyinka Yaasiin Nuur Gaas oo la soo xiriiray warbaahinta Gedonet xilli uu ku sugnaa afaafta hore ay ee deegaannka Buula Guduud fiidnimadii caawa ayaa sheegey in uusan wax wada xaajood ah la gali doonin kooxaha hubeysan ee la soo wareegey Kabsuumaba iyo Jilib.
Gudoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in uu weerari doona haddii aysan si dhaqso ah ooga bixin deegaanadani ay la wareegeen, isla markaana wuxuu gaashaanka u daruurey in aysan jirin wax wada hadal ah oo dhex marayo isaga iyo Kooxaha ka soo horjeedo xukumadda ku meel gaarka ah. Waxaana Yaasiin kamid ahaa hadaladiisii "Haatan waxaan ku suga nahay Buulo Guduud, kana imaan mahayo ilaa ay halkoodii ku laabtaan nimankan duulaanka ah, mana la Xaajooneyno, waxaana kula talin lahaa in ay aadaan meeshii ay ka imaadeen, Jilib iyo Kabsuuma waxay ku soo qaadeen weerar qaawan kana aqbali meyno"
Gudoomiyaha Golaha Siyaasada Yaasiin Nuur Gaas ayaa isaga caawa ku sugan afaafta hore ee Buulo Guduud oo wax xoogaa yar un u jirto deegaanka Kabsuumo oo ay la wareegeen kooxahii maalin la hor la wareegey degmada Jilib, waxaana sidoo kale haatan ka muuqanayo jiidda hore ee labada deegaan ciidamo aad u tiro badan oo ka baxay Kismaayo kuwaa oo ku hubeysay Gawaari tiro badan oo nooca Dagaalka ah, kuwaa oo ay saarin yihiin qoryaha liidka diyaaradaha.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa ah mid aan la saadaalin karin mana jiraan wax wax dagaalo ah oo dhex maray labada dhinac, iyadoo sidoo kale soo ifbaxayo hadolo kul kulul oo ka soo yeerayo dhinaca maamulka guddiga siyaasadda ee uu hogaamiyo mudane Yaasiin Nuur Gaas kuwaa oo ka turjamayo in haddii kooxahani aysan ka bixin deegaanadani ay horey oo la wareergeen aysan gacmaha ka laaban doonin, kana saari doonaan goobahii ay qabsadeen.
Wali Sh Cabdi Gurxan
Gedo News Network
Kismaayo Soomaaliya
http://www.gedonet.com/index.php?news=3024
Kismayo major: if the terrorist dont leave Jilib will karbas
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 450 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 572 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 2 Replies
- 726 Views
-
Last post by Adali
-
- 14 Replies
- 1062 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 7 Replies
- 560 Views
-
Last post by Nolol cusub
-
- 7 Replies
- 602 Views
-
Last post by Gacalisa
-
- 3 Replies
- 932 Views
-
Last post by paperino
-
- 1 Replies
- 246 Views
-
Last post by Goljano Lion