[2008-05-18 20:01:30] Waxaa si weyn muddooyinkan danbe loo hadal hayay dib u heshiisiin iyo maamul mideysan oo ay yeeshaan gobollada Jubooyinku.
Arrintaas waxaa fursad dahab ah u arkayey shacabka ay dhibaatooyinku daashadeen oo garowsadey in ay arrintaas tahay bilowgii horumarkii Jubooyinka.
Figradaas waxaa laf-dhabar u ah in dhammaan beelaha wadda dega Deegaanadaas ay ka midoobaan figradaha kala duwan ee soo jirey 18 sanno ee la soo dhaafay. Nasiib darro, waxay u muuqataa in xaalada Jubooyinku ku socota meel fool-xun sida dagaallo hor leh iyo khilaaf.
Sidaas daraateed, waxaynu wax tilmaami doonaa cidda isku haysa iyo waxay isku hayaan.
Talada iyo maamulka Jubooyinka, waxaa isku haya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo si weyn u rumeysan in beeshiisa oo asagu uu madax u yahay ay mudan tahay in looga danbeeyo gobollada Jubooyinka gaar ahaanna Kismaayo, oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo uu hogaamiyo General Axmed Warsame Max'ed, oo aaminsan in Jubooyinka gaar ahaan Kismaayo ay yihiin dhul Soomaaliyeed, dadka wada degenna ay u wada baahan yihiin nabad in ay ku wadda noolaadaan.
Waxaa kaloo Cabdullaahi Yuufuf uu si weyn xal ugu arkaa in wixii figradiisa ka horyimaada Itoobiya loo gacan galiyo iyadoo lugu eedeynayo argagixiso, halka dhinaca Gen. Axmed Warsame ay u arkaan in arrintaasi tahay mid dhibaato hor leh Soomaalida iyo Itoobiya u keenaysa, intii taas la sameyn lahaana wax walba lugu xaliyo wadahadal iyo isfaham.
Cabdullahi Yuusuf oo kaashanaya niman Soomaali u dhashay oo Itoobiya daacad u ah si ay uga hortgaan figrada Xildhibaanada Gen. Axmed Warsame, Hogaaminayo waxay sameeyeen dhowr arrimood: Midda kowaad; Wuxuu xulufo ka sameystay Qurbo-joogeeda Sade oo rag iyo dumarba isugu jira, kuwaas oo Sababta ay uga soo horjeedaan dib u heshiisiinta iyo maamul loo dhan yahay ay tahay danno ay is leeyihiin waxaad ka helaysaan Qancinta Cabdullaahi.Kooxdan, marka laga reebo telafoono ay Kismaayo u diraan wixii ka soo kordha, waxay odeyga u sheegaan waxyaabo ay is leeyihiin wuu jecel in uu maqlo.
Kooxda labaad ee Vila Soomaaliya laga maamullo oo nabadda iyo maamulka Jubooyinka ka soo horjeedana waxaa weeye koox odayaal-dhaqameed ah oo Afmadow ay xarun u tahay oo ka tirsan Kablalax.Odayaalkan, sida la xaqiijiyeey muddo 10 sanno ku dhow waxay dekedda Boosaaso ka qaadanayeen mushaar kaas oo sababta lugu siiyo ay tahay in heshiis iyo maamul marna gobolada Jubooyinku aysan yeelan.Waxaa kaloo illo lugu kalsoonnaan karo sheegayaan in uu Cabdullaahi si ku talagal ah uu dhalinyaro waddaado sheeganayso uu yiraahdo qabsada meelo kamid ah gobolada Jubooyinka si ciidammo Itoobiyaan ahi ay halkaas u tagaan.
Kooxda sadexaad, waxay tahay qolooyin ku abtirsada beesha Sade oo Kismaayo ku sugan iskuna sheega labbada gole ee beesha Sade (golaha dhaqanka iyo kan siyaasadda.Kooxdan oo aysan ka muuqan garasho fog waxaadna moodaa in ay wax walba uga mihiimsan tahay tirinta lacagta been-abuurka ah, taas oo ay isleeyihiin sida kaliya ee aad ku sii wadan kartaan waxay tahay xulufo la noqshada Cabdullaahi! Waxaysan isweydiin hadii aysan tixgalin rabitaanka shacabka iyo amaanka faraha ka sii baxaya in aysan lacag danbe tiring doonin.Waxay kaloo ilowsan yihiin in markii Cabdullaahi lahaa qolooyinka Kismaayo hasta waa "argagixiso"kuwii lahaa "ma ahanne waa shacabkii Soomaaliyeed ayaa Kismaayo haysta" in ay ahaayeen shacabka ay leehiin talo kuma lahan Kismaayo.
Waxaana la rumeysan yahay in dagaallada ka soo cusboonaaday Jubooyinka ay sabab u yihiin caro ka dhalatay shir 11/05/08 Kismaayo ka dhacay kaas oo ujeedadiisii hore ay ahayd in beelaha Jubooyinka oo dhan ay uga arrinsadaan sidii ay maamul u wadda dhisan lahaayeen. Isu imaatinkii shirka kadib ayaa qaar kamid ah labada gole ee Sade, waxay sheegeen in beelihii gobolka ku dagaalsanaa oo kaliya ay tahay in ay arrinta ka wadda hadlaan, kuwaas oo ay ula jeedeen Sade iyo Kablalax. Arritaas waxay layaab ku noqotay beelihii aan Daaroodka ahayn oo sheegay in wixii Sade iyo Kablalax ka dhexeeya ay iyaga gaar u tahay laakiin ay arrintani khuseyso beelaha iyo gobollada Jubooyinka oo dhan.
Maamul la'aanta, ammaanka faraha ka siibaxaya iyo tixgalin la'aanta danta guud ee ummaddu wadaagto ee hadda ka jirta gobollada Jubooyinka, waxay abuurtay in Maxkamadaha Islaamiga oo horeyba ugu xoogeysnaa gobollada Jubooyinka ay seeftoodii galka kalabaxeen oo ay gacanta ku dhigeen Jilib, Kabsuuma, Kudhaa Afmodow iyo meello kale.
Maxkamadaha Islaamigu wixii hadda ka horeysay way ku kala qaybsaayeen figradda ku saabsan arrinta Jubooyinka oo inta badan Maxkamadahu waxay qabeen in nabada iyo wadda noolaansha ka jirta gobolladaas aan loo baahnayn in wax loo dhimo halka qeybta kale ay qabeen in gobollada Jubooyinka ciidammada Itoobiya iyo kuwa DFKG,
dagaal looga qaado.
Waxaa la rumeysan yahay in xalka loo baahan yahay bulsho-weynta qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Jubooyinka in dhibaatada ka jirta goboladaas gaar ahaan Kismaayo ay tahay mid ummadda oo dhan dhibaato ku ah loona baahan yahay in xal loo wadda dhanyahay laga gaaro.
Si kastaba ha haatee, lama odorasi karo waxa Jubooyinka ka dhici kara maalmaha soo socda.
Bye: A. Gurato
gurato2@hotmail.com
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=728
Faallo: Xaaladda Jubbooyinka
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 333 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 0 Replies
- 410 Views
-
Last post by The`Republic
-
- 4 Replies
- 550 Views
-
Last post by Hidden_Treasure
-
- 9 Replies
- 894 Views
-
Last post by The Nomad
-
- 0 Replies
- 802 Views
-
Last post by nasradiin32
-
- 0 Replies
- 581 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 4 Replies
- 872 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 0 Replies
- 385 Views
-
Last post by CoolPoisons