



Taliyaha Nabadsugidda Qaranka oo Hub Ka Dhigis lagu sameeyey, Maxayse tahay Sababtu?
Wednesday, 21 May 2008
Generaal-ka waxaa lagu tilmaamaa Inuu yahay Gacanta midig ee Madaxweyne yuusuf oo ay Isku hayb Hoose Yihiin, waxaana lagu eedeeyey inuu saraakiil ka tirsan al-Shabaab oo la qabtay uu laaluush ka qaatay oo sii daayey, halka sidoo kalena lagu dhaliilsan yahay inuu dad aan wax dembi ah dawladda ka gelin Xabsiyada u Gudbiyey.
Taliyaha Nabadsugida ee Dowlada Federalka Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayaa markii ugu horeysay ay hubkiisii kala wareegeen Ciidamadda Itoobiya oo kaashanaya gudigga amniga Qaranka sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiisha Madaxtooyadda iyo taliska boliiska Muqdisho.
Jeneral Darwiish oo ka dhigan gacanta Midig ee Madaxweyne Yusuf ayna heyb wadaag hoose yihiin,waxay Itoobiyaanka kala wareegeen todobo gawaarida dagaalka iyo labo boqol qoryo gacmeed sida Warbaahinta ay u sheegeen goobjogayaal ka gaabsaday in magacooda la xuso.
Hubka dhigista lagu sameeyay Taliyaha Nabadsugida Federalka ama Taliyaha Nabadsugida Cabdulahi Yusuf waxaa kaga horeeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duq Magaalaha Muqdisho,Ex Hogaamiye kooxeed Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Saraakiisha Itoobiyaanka ee Muqdisho ku sugan ayaa hubka dhigista Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ku fasiray mid ka timid gudigga amniga Qaranka hasse yeeshee waxaa Darwiish ku socoto dacwad la xiriirta inuu laaluush ku sii daayay Saraakiil ka tirsan horjoogayaasha Maleeshiyaadka Shabaabka Caalamiga ee Soomaaliya halka uu caado ka dhigtay inuu ka ganacsado dad shacaba oo ay Ciidamadiisa ka afduubtaan degaano kala duwan oo Muqdisho ka tirsan.
Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la saaxiiba Jeneral Darwiish ayaan weli hubka dhigis lagu sameyn inkastoo Xeeldheerayaal badan ay qabaan in seefta hubka dhigista dul saaran tahay
Xuseen Kurdi
Buuhoodlemedia.com