Punaniland oo isaga carartay Tukaraq LOOOL

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

Punaniland oo isaga carartay Tukaraq LOOOL

Post by yawle »

Ka bixitaanka Ciidamada & Isimada ay ka baxeen Tukoraq waxaa Buuhoodlemedia u xaqiijiyey taliyaha Ciidamada Puntland Col. Cali Baadiye

Ka Dib muddo todobaad ah ka bacdi markii ay Puntland ku amartay isimadii & Ciidamadii fadhiyey Tukoraq inay halkaasi ka guuraan ayaa saaka wararka aanu ka helnay Tuuladaasii Tukoraq & Dhinacyo kaleba waxa ay noo xaqiijiyeen in inta badan Isimadii halkaasi joogay & Ciidamadii difaaca kaga jirayba ay ka baxeen oo banneeyeen tuuladaasi istiraatiijiga ahayd ee Tukoraq oo ku taalla laamiga u dhexeeya laascaanood & Garoowe, waxaana wararku tibaaxeen in ay galeen dhulka Buuraleyda & togaga leh ee dhanka hoose ka xiga deegaankaasi.

Qorshaha ay ciidamadaasi & Isimadu kaga guureen halkaasi ayaa la sheegayaa inuusan ka madhnayn khilaaf soo kala dhex galay Isimada dhexdooda iyadoo la sheegay in qaarkood ay ku adkaysteen in mar haddii dagaal iyo dib u xoreyn muwaafaqo loo waayey in labanneeyo wadada oo la badbaadiyo ciidammadan.

arrintani waxa ay ku soo beegantay xilli maalmahanba la hadal hayey inuu jiro xidhiidh dhanka taleefanada ah oo ay isimadii Tukoraq fadhiyey qaarkood la lahaayeen maamulka Somaliland, inkastoo ciidamadan baxay la aaminsan yahay inaanay wax xidhiidh ah la lahayn maamulkaasi Somaliland.

Taliyaha Ciidamada Puntland Col. cali Baadiye ayaa xaqiijiyey ka bixitaanka ciidamadaasi & Isimada ay ka baxeen tuuladii mar xarunta u ahaan jirtay maamulkii Isimoland oo hadda u muuqda inuu burburay labo todobaad uun ka bacdi markii la yagleeyey.

Xuseen Kurdi

Buhoodlemedia.com


[ Back ]
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Punaniland oo isaga carartay Tukaraq LOOOL

Post by The_Emperior5 »

shiit iga waleh kii jabarti jabb
User avatar
DustyFoot Farah
Posts: 157
Joined: Mon Sep 10, 2007 2:15 am
Location: Afrikan vilage!

Re: Punaniland oo isaga carartay Tukaraq LOOOL

Post by DustyFoot Farah »

Adiguba caqlaad leedee carar maxaa dhaama!! :D
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”