Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) iyo waftigii uu horkacayey ayaa xalay dib ugu laabtay xarunta gobolkaasi ee Garbahaarey kadib markii safaro kala duwan ay ku tageen meello badan oo gobolka ah, waxaana safar dhulka ah oo uu xalay kaga yimid waftiga guddoomiyaha magaalada Beledxaawo uu ku tagay degmada Garbahaarey.
Mr Xuseen Farey ayaa maanta xarunta xafiiska gobolka warbixin dheer oo ku saabsan waxyaabihii u soo qabsoomay ka siiyey xildhibaanada deegaanka iyo kuwa heerka gobolka ee Garbahaarey ku sugan, guddoomiyaha ayaa ugu horeyn waxaa uu sheegay in safarkoodii ugu horeeyey ay ku tageen degmada Luuq ee waqooyiga gobolka Gedo ku taal, halkaasoo ay ku soo heshiisiiyeen laba beelood oo si weyn isu hayey, islamarkaana ay nabad soo kala dhewx-dhigeen, una ballan qaadeen sida guddoomiyahu sheegay in colaado danbe aysan dhexmarin nabad iyo xasiloonina lagu wada noolaaado.
Guddomiyaha gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) ayaa ka sheegay kulanka uu maanta magaalada Garbahaarey kula yeeshey xildhibaanada labad qeybood ka kooban in lugtii labaad ee socdaalkooda ay ku gaareen magaalada Doolow oo ay kula soo kulmeen hay'ado ay kamid aheyd Care, kalana soo hadleen dhibaatooyinka bani'aadanimo ee gobolka ka jiro iyo sida ay wax uga qaban karto hay'adaasi, wuxuu intaasi ku daray in xubnihii uu la kulmay ay ka aqbleen in ay gacan buuxda siiyaan dadka ku tabaaleysan qeybo ka tirsan gobolka buuraleyda ee Gedo. Mudane Farey ayaa warbixintiisa ugu danbeyntii ku soo gabagabeeyey safarkii shaqo ee ay ku soo mareen Beledxaawo oo kulan ay la soo qaateen saraakiisha gobolka waqooyi bari ee Kenya, kulankaasoo uu ku tilmaamay in uu ku dhammaaday guullo labada dhinac ay isku afgarteen.
Si kastaba ha ahatee maamulka gobolka Gedo ee uu madaxda u yahay Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) ayaa wali waxaa horyaala wax ka qabashada arrimo badan oo isbiirsaday oo gobolka ka taagan, kuwaasoo ay ugu horeyso nabadgelyada oo degmooyinka qaar sida Baardheere la soo tabinayo in ay ka sii dareyso kadib markii ciidamadii ammaanka ee degmadaasi dhawaan lagala diray.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=424
Guddoomiyaha G/Gedo oo dib ugu laabtay Garbahaarey kana warb
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 341 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 539 Views
-
Last post by BuuloXubeey
-
- 1 Replies
- 370 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 36 Replies
- 2729 Views
-
Last post by Murax
-
- 4 Replies
- 943 Views
-
Last post by QansaGabeyle
-
- 10 Replies
- 1437 Views
-
Last post by Strategic
-
- 0 Replies
- 485 Views
-
Last post by MALMAHA
-
- 13 Replies
- 966 Views
-
Last post by Gubbet