Rahanweyn get lucky peace talk in Lan garas.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Rahanweyn get lucky peace talk in Lan garas.

Post by CoolPoisons »

Waan waan laga bilaabayo deegaanka Laan-Garas

Maamulada degmooyinka Buurdhuube iyo Ufurow ee gobolada Gedo iyo Bay iyo odayaal dhaqameed labadaasi degmo ka soo jeeda ayaa wado dadaallo lagu wada hadalsiinayo laba beelood oo shaqaaqooyin ay salka ku hayeen aanooyin qabiil toddobaadkan ku dhexmaray deegaanka Laan-Garas oo 55Km koonfur kaga aadan magaalada Buurdhuube.



Sida uu goor dhaweyd qadka telephone-ka iigu xaqiijiyey guddoomiyaha maamulka degmada Buurdhuube Cabdullaahi Maxamed Shakuul waxaa diyaar garow iyo qabanqaabo ay ka soconeysaa degmada Buurdhuube gudaheeda oo loogu ambabaxayo dhulka miyiga ah ee dhawaan ay falalka dilalka ka dhaceen, guddoomiyuhu waxaa uu intaasi ku daray in wafti uu isaga hoggaaminayo ay u kicitimayaan halkaasi si ay dhigooda dhanka Ufurow ula kulmaan.



Labadan beelood ee wadahadalada galayo ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf ku saabsan arrimaha daaqsinka ee deegaanada ay reer guuraagooda degaan, shaqaaqooyin dhexmaray waxaa lagu dilay tiro dad ah, kuwa kalana waa lagu dhaawacay, waxaa iminka laga dhur-sugayaa waxyaabaha ka soo bixi doona natiijooyinka ay isla gaaraan ergada waa haddii marka horaba la isku afgarto in lawada xaajoodo.



Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.

http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=438
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”