Afhayeenka odayaasha beesha Sade oo soo jeediyey eedeymo kul
Posted: Thu May 29, 2008 8:43 am
Afhayeenka odayaasha dhaqanka beesha Sade C/naasirXasan Xirsi (Shaarib) oo maanta bixiyey wareysi dheer oo dhainacyo badan taabanayey ayaa ka hadlay arrimi badan oo qaarkood ay ku jireen eedeymo kulul oo uu u soo jeediyey Golaha dhaqanka ee uu afhayeenka u yahay, kaasoo uu ku eedeeyey in ay mas'uul ka yihiin ammaan daradda baahsan ee magaalada Kismaayo ka jirta iyo Isbaarooyinka magaalada yaala.
C/naasir Shaarib ayaa sheegay in xubnaha Golaha dhaqanka ee uu isaga u horeeyo ay ka gaabiyeen in ay wax ka qabtaan nabadgelyo xumada aafeysay Kismaayo, islamarkaana golaha dhaqanka ee beesha Sade uu mas'uuliyada falalka ka dhanka ah amniga gudaha uu isaga qaadayo,maadamaa ay Golahu yihiin buu yiri kuwa ummadda ay hoggaan ka dhigatay, loona baahan yahay in wax laga qabto oo loo tafa xeeto sidii ammaanka loo hanan lahaa.
''Ammaan darrada magaalada Kismaayo ka jirto waxaa mas'uuliyadeeda qaadayo Golaha dhaqanka oo aan aniga kow ka ahay, iyaga ayaa laga rabaa in ay wax ka qabtaan, waxaan lama dhowran karo Walaahi, haddii aanan amniga la sugin waxaan aaminsan nahay in meesha la faaruqiyo oo shaqada la baneeyo'', ayuu yiri C/naasir Shaarib oo intaasi ku daray in laba arrimood ay u banaan tahay golaha dhaqanka, waa mida hore in wax laga qabto ammaanka , tan labaad in aan xilka ka degno oo aan shaqada ku wareejino dad kale oo awood u leh in ay magaalada nabadgelyada ku soo celiyaan, ayuu sii raacsaday hadalkiisa [/quote]
Afhayeenka ayaa dhanka kale soo hadal qaaday xil ka xayuubin ay dhawaan ku sameeyeen qaar kamid ah Golaha dhaqanka ee beesha Sade hoggaanka golahaasi, ahna Suldaanka beesha Sade ee gobolka J/hoose Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow, waxaa warka xil ka qaadista uu ku tilmaamay afhayeenka mid la iska yiri oo keliya oo aanay cidina isku raacsaneyn sida uu hadalka u dhigay, Suldaankana ay beel dooratay. Suldaan Maxamed Bashiir ayaa lagu eedeyey in awood tiisa ka dheer u isticmaalay Golaha.
Hadalka afhayeenkan ayaa ku soo beegmayo xilli magaalada Kismaayo ay ku jirto go'doonkii ugu ballaarnaa, wadoooyinka muhimka ah ayaa waxaa yaala Isbaarooyin ay dhigteen kooxa maleeshiyaad ah oo hubeysan, kuwaasoo ku doodayo sida ay leeyihiin in la siiyo lacago ka maqan, dekedda caalamiga ah ee Kismaayo ayaa iyaduna maalintii labaad xiran markii ay shalay soo kala eryeen koox si aad ah u hubeysan shaqaalaha ka howlgala marsadda.
Xaaladaas adag oo lagu jiro ayaa maanta sargaal ka tirsan saraakiishii hore ee dowladdii dhexe ee Somalia oo lagu magacaabo Col: Xaaji Cabdi Faarax (Qeyla-Weyne) uu ugu baaqay labada Gole ee siyaasadda iyo dhaqanka in ay is casilaan, maadaamaa buu yiri ay ku guuldareysteen xakameynta ammaanka faraha ka sii baxayo.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=439