Hey who doesn't want to be on the winning side.
Waxaa soo baxaya warar hor dhac ah oo ku saabsan xubnaha mucaraadka somalia ee ka qayb
gali doona golaha wasiirada ee dawladda fedaralka somalia.
Wararkaasi oo aan ka soo xiganay dad wargal ah oo ku dhow dhow dawladda KMG,isla markaana aan dooneyn in magacooda la sheego,waxay xoojinayaan in qaybta mucaaradku ka heli doonto qaybsiga kuraasta dawladda ay ka mid tahay jagada R/wasaaraha oo lagu wado inuu qaban doono Sheikh Shariif iyo Dr Cadaw oo maxkamadaha u qaabilsan arrimaha dibadda oo noqon doona wasiirka r/wasaare ku xigeen iyo wasiirka waraafinta.
Waxaa kale oo qorshuhu yahay in speakerka barlamaanka loo celiyo Shariif Xasan iyo ilaa 14 xubnood oo hore looga eryey barlamaanka oo ku biiray kooxda Asmara iyagana loo soo celiyo kuraastoodii barlamaanka.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in jagooyin kale oo wasiiro ah ay qaban doonaan xubno kale oo mucaaradka ka tirsan,isla markaana tirada golaha wasiirada la kordhin doono oo laga dhigi doono ilaa 25 wasiir oo lagu saleyn doono hab-qaybsiga 4.5 ee beelaha somalida.
Waxaa kale oo la sheegayaa in xubnaha banneyn doona jagooyinka la siin doono mucaaradka oo ay ka mid yihiin R/wasaaraha haatan Nuur Xassan Xussen "Nuur Cadde" iyo Ahmed Abdisalam ay qayb ka sii ahaan doonaan dawladda iyagoo la taliyayaalna noqon doona.
Dadka laga soo xigtay xogtaan waxay aaminsan yihiin in iminka laga sii shaqeynayo oo uu ka socda Barlamaanka baydhabo gudihiisa sidii barlamaanku u ansixin lahaa go'aanada shirka Jabouti lagu qaadan doono,iyadoo aragtidu tahay in mucaaradka iyo dawladu heshiiyaan,garabka kale ee mucaaradka ee Tuulada Asmara oo hogaamiya kooxaha dagaalada ka wada dalka somalia gudihiisana la tuso somalida iyo beesha caalamka in aysan nabad doon ahayn.
Wixii ka soo kordha xaaladahan cusub,kala soco Carmooyin.com

