Xildhibaan Xasan Cabdi Xiiraay (Xasan Deer) Oo Kormeer Ku Ma

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Xildhibaan Xasan Cabdi Xiiraay (Xasan Deer) Oo Kormeer Ku Ma

Post by CoolPoisons »

Xildhibaan Xasan Cabdi Xiiraay (Xasan Deer) Oo Kormeer Ku Maraya Magaalada Doolow Ee G/GEDO
May 30,2008
by Doolow-GEDO-NN
Xildhibaan Xasan Cabdi Xiireey (Xasan Deer) ayaa maanta ka ambabaxay magaaladda B/xaawo isagoo ku sii jeeda degmada Dooloow. Xildhibaanka ayaa muddo afar usbuuc ahba ku sugnaa magaalada Beled Xaawo,isagoo kulumo kale duwan la yeeshay dhammaan ururada bulshada qeybaheeda iyo masuuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobalkaba.

Xildhibaanka oo Gedonet ay la kulantay markuu safarka isku qabanqaabinay ayaa sheegay ujeeda safarkiis magaalda Doolow inuu yahay sidii uu ula kulmi lahaa dhamaan maamulka degmada iyo ururada bulshada, isagoo sidoo kale sheegay inuu kale hadli doono xoojinta nabadda iyo in si fiican loola dhaqmo dadka ree guuraaga ah ee ka soo roob raacay gobalka Liibaan ee dalka Itoobiya haatanna usoo gudbay agagaarka deegaanka Geedwayne iyo Doolow.

waxuu kaloo xilibaanku sheegay inuu la kulmi doono musuuliyiinta gobalka Liibaan s loo adkeeyo ammaanka iyo isku socodka ka dhaxeeya labada wadan waxuu kaloo xilibaanku carabka uu ku dhuftay inuu kulan la yeelan doono hayada Care ee fadhigeedu yahay Dooloow si ay uga baaraan dagaan qaybinta raashinka oo haatan ay hakad kalisay hayadda Care.

Sanka-NN-B/Xaawo News Desk

http://www.gedonet.com/index.php?news=3081
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”