Sheekh Shariif oo muddo ku xayirna Eritria

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Sheekh Shariif oo muddo ku xayirna Eritria

Post by sheekh-Farax-zero »

Ilo xog ogaal ah oo dhanka saxaafadda ah ayaa sheegaya in khilaafka soo ifbaxay ee u dhexeeyay Eritrea iyo Gudoomiyaha Isbaheysiga uu yahay mid soo jiitamayay,iyadoona la sheegayo Sheekh Shariif mudo badan in dalkaasi uu ku xayirnaa socodna loo diidayay.

Dad ku dhaw dhaw Sheekh Shariif ayaa sheegaya in wadaadku 40 maalmood gudaha Eritrea uu ku xayirnaa si uu kaga soo baxana uu la'aa kadib markii dawladda Eritrea ay mamnuucday socdaaladiisa.

Is qab qabsi kadib ayuu Sheekh Shariif ka baxay halkaasi isagoona qabtay dhanka dawladda Qadar halkaasi oo xafiis kmg ah uu ka sameystay isagoona ku dhaartay in uusan dib ugu laaban doonin Eritrea sida ay inoo sheegeen ilaha ku dhaw dhaw.

Dhawaan ayay aheyd marki Sheekh Shariif uu ku eedeeyay dawladda Eritrea in ay wado howlo ay ku kala qeybineyso Isbaheysiga Xoreynta Somaliya,taasi oo dhalisay mowjado is qabsi qabsi ah oo u dhexeeya xubnaha Isbaheysiga.

http://www.markacadey.net/main/news.php?readmore=4004
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”