MADAXWAYNE JIBRII CALI SALAAD -MUQDISHO

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
neocon_2007
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6154
Joined: Wed Mar 07, 2007 12:37 pm
Location: Raiding Garowe...

MADAXWAYNE JIBRII CALI SALAAD -MUQDISHO

Post by neocon_2007 »

Muqdisho:- Madaxwaynaha Maamul Gobleedka Maakhir Jibriil Cali Salaad ayaa waxa uu gaadhay magaalada Muqdisho, caasimada Dalka Somalia halkaasi oo loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde Airport, waxa soo dhaweeyay masuulkaasi masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumada ku meel gaarka ah.



Madaxwayne Jibriil Cali Salaad ayaa waxa la soo sheegayaa inuu isla markiiba kulamo goono gooni ah la qaatay xubnaha Baarlamaanka ee reer Maakhir iyo waliba wasiirada Dowlada ku meel gaarka ah qaar ka mid ah, walaw aan la sheegin arimaha ay isla soo qaadeen.



Waxa la filayaa inuu dhawaan la kulmo Madaxwayne C/laahi Yuusuf iyo Raisal wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen iyaga oo isla gurfayn doona arimo badan oo ka dhexeeya DFS iyo Maamul Goboleedka Maakhir iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka maamul goboleedka iyo Dowlada ku meel gaarka ah.



Madaxwayne jibriil Cali Salaad ayaa Safarkiisani waxa uu ahaa mid aan hore loo shaacin waxaana la sheegay inuu casumaad ka helay masuuliyiinta sar sare ee xukuumada wadanka Soomaaliya taasi oo ku aadan hanaanka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Maakhir State.



Jibriil Cali salaad ayaa waxaa la filayaa inuu warfidiyeenada dhowaan uu kula hadli doono magaalada Muqdisho isagoo ka warbixin doonaha qorshaha maamul goboleedka Maakhir iyo baahida keentey in maamulkaas dhidibada loo istaajiyo.



LaasqorayNet/Muqdisho
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”