qisadan soo socota aniga ma qorin waan akhriyay kadibna waan idin soo bandhigay markan u arkaay in ay muhiimtahay marka ila arko kana soo dhibto FEKERKIINA,
Jan 10th, 2008, 6:54am asaalaamu calaykum marka hore
marka xiga yaan lay dhalaycayn yaanan lay arkin nin asaasaqay waxaan doonayaa inaan daah furo dhibaato bulsho oo raagaadisay mujtamaca soomaalida ,
ilaah wuxuu ku yidhi quraankaa (inna laaha laa yastaxyii minal xaqqi shay'aa)oo macnaheedu yahay ilaa xaqqa inuu caddeeyo kama baaqsado.
arintu hadday cilmi iyo diin gasho ceeb malaha ,ila aqbala xaqiiqadan
waxaan ku nolaa magaalo soomaaliyeed waxaanu daris ahayn nin ganacsade ah wadaadna ah ,wuxuu nasiib u helay tii gabdhaha ku jirtay hadday ahayd qurux ,dabci iyo anshax wanaagsan.
wuxuu ahaa ninkaasi nin naftiisa u hibeeyay haweenayda u calmaday oo iyadu qudheedu intii aan ku aragnay ninkeeda maqsuud la ahayd,wuxuu jarmaadaa waabirigii isaga oo beegsada rugtiisa ganacsiga wuxuuna yimaada cawaysinkii isaga oo la ciidhaya daal xanbaarsana wixii naf ku jecel lagu qanciyo oo maal iyo nafba leh.
walaalahaygaa is calmaday waxay wanaaga kuwada ladeen muddo dhan 3 sanno ilaahna wuxuu kala siiyay 2 caruura ah waxay ahaayeen raaliyo iyo kii qaabay ogaalkayga maan maqlin wax dhibta ah oo laga sheegay iyaga waxayna ahaayeenkuwa fahanka guurka hantay ilaahna u barakeeyay.
lakiin ilayn hadduu eebe arrin maago laysma hortaage ilaah wuxuu qadaray in laamaanahaasi ay is qaniinaan kalgacalkiina jabo tallow maxay tahay sababtu?iga hooya walaalkay wuxuu ahaa nin aaminsan shaqadiisa ka badan intuu aaminsan yahay daryeelka ay u baahantahay xaaskiisu iyo raaxada guurka .
daryeel kolka aan leeyahay macnaheedu maahan biriis ayuu ku cidhidhidhay maahan dahab ayuu kala bakhaylay maahan guri iyo gaadhi cad baanu siin lakiin waxaas oo dhan wax ka wayn ayuu kala bakhaylay waxaana weeye raaxada sariirta oo dabcan ah xaraaraad iyo macaansi aan laga tanaasuli karin ,wuxuu ninkaasi maalintii oo dhan raacdaa danahiisa baayacmushtariga habeenkii ayuu yimaada goor danbe oo haddiiba uu awood u hayo wayba yartahaye mar uun darsada sawjadiisa xalaasha ah deeta daal dhinac ula dhaca.
hamuuntii walaashay taasi way haqab tiri wayday waana arinka baday inay xidhiidh sharci darra ah la yeelayo nin dhalinyaro ah oo xaafada nala daganaa kaasoo (alle qaad)gabadha u dhigay casharo uu kasoo guuriyay meel daran wuxuu hantay qalbiga gabadha wuxuuna ka dhigay inay u hilowdo saacad walba oo ay jaanis hesho kor iyo hoos ayuu ka siiyay wixii uu soo daawaday taasina waxay ahayd bilowga shaqaaqada soo dhex gashay lamaanahaasi is jeclaa ,gabadhii xishood meel ayay dhigatay waanigii wuu ka duulay walaalkay way u cuntami wayday xaaskiisii uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay badhaadhaheeda inay khiyaantay oo ka daldoorsatay wuxuu bilaabay inuu cadho isla cuno wayna qaban wayday inuu nolol lasii wadaago wuuna dalaaqay ilayn amaanadii dhamaataye.
walaashay oo kaarama dhacday waxay ka doorbiday haybadii saygeedii hore iyo qasrigii uu u qotomiyay inay amankiiba meel dheer igee tidhaa inankii fursada ka saaray ,ilayn xaasid kula tol maahane intuu dhawr habeen fugaystay ayuu deeta ka haajiray aakhirkii walaashay waxay mudatay inay ka baxsato faalada dad waynaha iyo maadaysiga laga dhigtay ilaa imankana ma ogi halkii ay ku danbaysay.
maxaad ka baratay casharkasi waaqiciga ah,ma doonayo inaan hadalka idanku badiyo lakiin marka sariirta xaqaaga aad ku waydo wiil ahow ama gabadh maxaa kuu dhadhamaya ma bariis ilaah ku qoray baad waayi mise calaf kale ayaa ku seegaya ,ma aha inaan qiil u samaynayo gabadhaa khaa'intay ninkeedii ka dib markay ka wayday xaqeedii inkasta oo ay dariiqa khaldan qaaday haddana taasi waa dhibaata ka iman karta marka raaxada guur iyo macmacaanka sariirta la is kala bakhaylo.
fadlan ha noqon jaahil aan aqoon diinta dhamayka tiran ee xataa ina bartay sida aan ula mucaasharoonayno xaasaskeena .
fadlan akhri buuga la yidhaahdo raaxada guurka ee lagu qoray afka soomaaliga ama kitaabka uu qoray dr.oliverbutterfield ee magaciisu yahay(marriage and sextual harmony) si aad ula baxdo xaqiiqada iyo cilmiga ku dheehan arrinkan.
qaado talooyinka ay ka mid yihiin:-
1)xaaskaaga ugu yeedh magacba magaca uu ka wacan yahay ,maxaa xaasid kaa dhigay ma afka ayaa ku go'aya ilayn niyadda ayaad u qaboojin darmaantaada'e
2)marka aad ka timaado shaqada ama safarka xaaskaaga horay ugu soo qaad haddiyad hadday yartay xataa,sida ubax,baarafuun,cadar IWM
3)u kaxee xaaskaaga goobaha dalxiiska iyo tamashlaynta maalmahan ciida fasaxyada iyo aakhirka asbuuca.
4)ha noqon kaligii taliye ka dhigo xaaskaaga la taliye sare oo go'aanka kula qaata dareensii inay idinka dhaxayso ,amaan fikradeeda una mahad celi maarwalba
5)hakala bakhaylin xaaska dhoola cadayn,dhunkasho,mahadcelin,iyo inaad caawiso xilligi shaqada.
6)ogaal fiican u lahoow qaababka galmada iyo raaxida sida inaad xaaskaaga kula ordin tuubada ka dhig mid kiciya dareernkeeda ka hor intaan biya dhicin muddo badan ka hor,haka tagin iyada uuu aan xaraarad goyn,u ogoloow inay xaqeeda dhamaystirato , xaywaankuba wuu yaqaan qaabkaas.
intaa ayaan kusoo koobayaa maqaalkayga waad mahadsantihiin dalaacashada.
qore.a.c.(wiilwaal)
qiso cajiib ah galmada iyo guurka (qisa macaan)sexuality(sto
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Posts: 8
- Joined: Sat Mar 08, 2008 7:18 am
Re: qiso cajiib ah galmada iyo guurka (qisa macaan)sexuality(sto
wrong station mate



-
- Posts: 1
- Joined: Fri Jun 27, 2008 7:06 pm
Re: qiso cajiib ah galmada iyo guurka (qisa macaan)sexuality(sto
Galmadu waa xuquuq wadaagtan ah, sidaad sheegtay. Waxa aynu uga eg-nahay adeentida kale, ama xayawaanka. Waxa se inoo dheer garaad. Mararka qaarkood Eebbeh, oo ah ababsheheena waxa uu imtixaamaa axdigeena inoo dhexeeya lab iyo dhedig, kaasoo marqaati loo ahaa, maalintii ay isguursadeen ama ismehersadeen labudu. Axdigu waa qaali..Waxaan xadiith ku maqlay"Man laa cahda lahu-Laa diina lahu!": Gabadhaas haddii ay ahayd dadka diinta leh, ee ku dhaata diintooda, way guuldarraysatay waxay gabtay dadnimadeedii, oo ay ka hooska-dhacday, waxay xeerin weyday cishradii ka dhexaysay iyada iyo saygeedii. Hammaddu marmar bay qofka ka guurtaa, waa se wax soo noqon kara, waa lama huraan, in qofku u aqoonsanaado wax muhiima hammadda,oo sidii uu ku soo celin lahaa uu u hawlgalo. Nin jirow ogow oo ilaasho hammaddaada ragganimo, gabadh jirtaay ogow oo ilaali waxa hammadda-geliya saygaaga, sida cuntooyinka ama laafyoodka, udugga udgoonaanta. Axdigu yaanuu weligii wiiqmin, haddii midkiin wiiqo ayaandarro weeye, aayo-darro weeye.. Eebbow naga hay! Aamiin.. Oo yaanan noqonin kuwa imtaxaankaaga ku dhaca..ee aan ku najaxin.Eebbow yaanan noqonin kuwii dadnimada iyo gobanimadu ka hoosto..Aammin.
-
- Posts: 24
- Joined: Wed Feb 20, 2008 2:49 pm
Re: qiso cajiib ah galmada iyo guurka (qisa macaan)sexuality(sto
salaaan asxaabey run ahanti wa moqduc macan oo fican ilahay hanago dhigo wax garad rag iyo dumarba idinkana wa ku mahadsan tihiiiiiiiil baye
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 906 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 10 Replies
- 1638 Views
-
Last post by gegiroor
-
- 0 Replies
- 596 Views
-
Last post by Futurist
-
- 26 Replies
- 1847 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 5 Replies
- 2218 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 3822 Views
-
Last post by calixaajis
-
- 0 Replies
- 772 Views
-
Last post by afisoone
-
- 0 Replies
- 1151 Views
-
Last post by xidig007
-
- 0 Replies
- 682 Views
-
Last post by CoolPoison