Xubno ka tirsan maamulka degmada Baardheere oo gaaray Ufurow

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Xubno ka tirsan maamulka degmada Baardheere oo gaaray Ufurow

Post by CoolPoisons »

Xubno ka tirsan maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo odayaal dhaqameed ayaa gaaray degmada Ugurow ee gobolka Bay si ay uga qeybgalaan wadahadallo laba beelood halkaasi uga socda, kuwaasoo lagu dhex-dhexaadinayo beello ka soo kala jeeda gobolada Gedo iyo Bay oo khilaaf uu u dhexeeyo.





Wafti ballaaran oo ay kala horkacayaan guddoomiye ku xigeenka magaalada Baardheere Cali Sheekh Axmed Shuuriye (Bulsho) iyo hoggaanka odayaasha dhaqanka degmada Baardheere ayaa gaaray maanta degmada Ufurow oo kamid ah gobolka Bay, ujeedada tagitaankooda halkaasi waxay la xiriirtaa sidii ay u dhiirogelin lahaayeen kulamo nabadda looga hadlay oo gudaha Ufurow uga socda laba beelood oo xoola dhaqatadoodu ay dhexmareen dilal aanooyin qabiil ku saabsanaa.



Marka ugu horeyso waxaa lagu wadaa in xubnaha labada qeybood ka socda ay la kulmaan maamulka degmada Ufurow, iyagoo goor danbana si gooni gooni ah kulamo kala duwan ula qaadan doono hoggaamiyeyaasha dhaqanka labada beelood ee shirsan oo howlahooda nabadeynta rajo wanaagsan laga muujinayo.




Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.


http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=460
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”