Kismaayo Gudoomiye changed again?
Posted: Sat Jun 07, 2008 11:50 pm
Wareegto ay Shabakadda wararka Soomaaliyeed ee Gedoweb maanta soo gaarsiiyeen Golaha dhaqanka ee beesha Sade ayey ku ansixiyeen guddiyada Golaha cusub ee siyaasadda beeshaasi kadib marki toddabaadkii hore la magacaabay golaha cusub ee
siyaasadda oo muran badan uu ka taagan yahay is qabqabsina uu abuuray.
Wareegtadan ayaa lagu xusay magacyada xubnaha sar sare ee golaha siyaasadda, waxaana lagu sheegay in guddoomiyaha golaha cusub ee siyaasadda oo ay odayaasha doorteen Cabdirisaaq Faarax Cali (Taanno) uu isagu soo xushay xubnaha Golaha siyaasadda iyo qeybaha uu ka kooban yahay, islamarkaana sida ku cad warqadda ay golaha dhaqanka cod buuxa ku ansixiyeen, laga bilaabo maanta ay iyagu yihiin xubnaha golaha siyaasadda ee lala xisaabtamayo.
Waxaana ay u dhigan yihiin liiska xubnaha u sareeyo golaha siyaasadda sidatan.
1. Shakiib Xuseen Oohaar (Guddoomiye ku xigeenkii koowaad)
Shakiib Xuseen Oohaar (Guddoomiye ku xigeenkii koowaad)
2. Cabaas Ibraahin Gurey (Guddoomiyaha xagga difaaca)
Cabaas Ibraahin Gurey (Guddoomiyaha xagga difaaca)
3. Bille Cabdille Cabdi (Guddoomiyaha arrimaha dhaqaalaha)
Bille Cabdille Cabdi (Guddoomiyaha arrimaha dhaqaalaha)
4. Khaalid Cabdi Xayir (Xoghayaha golaha siyaasadda beesha Sade)
Khaalid Cabdi Xayir (Xoghayaha golaha siyaasadda beesha Sade)
5. Xaaji Maxamed Mire (La taliyaha guddoomiyaha golaha siyaasadda)
Xaaji Maxamed Mire (La taliyaha guddoomiyaha golaha siyaasadda)
Waxaa sidoo kale la magacaabay guddoomiye ku xigeeno, xoghayeyaal iyo xubnaha kamid noqanayo golaha cusub ee dhanka siyaasadda.
Afhayeenka odayaasha dhaqanka beesha Sade C/naasir Xasan Xirsi (Shaarib) oo ay aanu la kulanay wareegtada kadib ayaa sheegay in si buuxda la isugu raacay ansixinta xubnaha cusub, wuxuuna tibaaxay in golahan uu yahay mid ay ka rajeynayaan in uu howshiisa si cadaalad ah u gudan doono.
Mr Shaarib ayaa mar aan wax ka weydiiyey xiisadaha ay abuuri karaan magacaabidan cusub maadamaa guddoomiye kale uu sheeganayo golaha siyaasadda ayaa ku nuux-nuuxsaday in aanay jiri karin marnaba wax xiisad ah oo ay tani dhalin karto, guddoomiyaha haatan sheeganayo jagadana ay xil ka xayuubin ku sameeyeen, sida uu yirina markii horaba ay iyagu soo magacaabeen.
Waxaa arrintan ay ku soo beegmeysaa xilli Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo asbuucii hore wareegto ka soo baxday Golaha dhaqanka lagu shaaciyey in xilka loo qaaday iyo Dr C/risaaq Faarax Cali (Taanno) ay kala sheeganayaan in uu midba guddoomiye yahay, waxay si kala gooni gooni ah u tagayaan xeryaha ciidamadu ay degan yihiin, iyagoo la kulmayo shaqsiyaadka ay rabaan.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
Whats up with the musical chairs?