Weerar xalay lagu qaaday guriga abbaanduulaha ciidamada Jubbooyinka
Posted by Kismaayo
Thursday, June 12 @ 03:00:04 EDT
Headline News Kooxa maleeshiyaad ah ayaa gelinkii danbe ee shalay iyo xalayba weeraro is xigxigay ku qaaday guriga uu magaalada Kismaayo ka degan yahay abbaanduulaha ciidaamada gobolada Jubbooyinka Warfaa Sheekh Aadan, iyadoo weerarkaasi sida wararka Kismaayo
naga soo gaarayo ay sheegayaan ay wax ku noqdeen dad rayid ah.
Maleeshiyaad ayaa weerar la eegtay hoyga uu magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ka degan yahay Warfaa Sheekh Aadan oo ah mas'uul ku magacaaban abbaanduulaha ciidamada gobolada Jubbooyinka, maleeshiyooyinka ayaa iska caabin kala kulmay guriga abbaanduulaha oo xilliga uu weerarka uu dhacay uu ku sugnaa Warfaa iyo ilaaladiisa, halkaasoo labada dhinac ay israsaaseyn daqiiqado soconeysay ku dhexmartay oo uu ku dhaawacmay ruux rayid ah.
Sababaha ay maleeshiyaadka u weerareen guriga abbaanduulaha ayaa lagu sheegay in ay ku doodayaan mushaarkii ay lahaayeen oo uu lunsaday, laakiin Gedoweb oo saaka telephone-ka kula hadashay Warfaa Sheekh Aadan ayaa beeniyey in loo weeraray arrin ku saabsan mushaar,wuxuuna sheegay in israsaaseynta ay salka ku heyso qorye lakala qaatay, inkastoo hadana uu qiray in maalmahan ay jirtay gadood ku saabsan mushaaraad.
Tani waxay qeyb ka tahay ammaan darada loo tag waayey ee ka taagan magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo, halkaasoo ay ka taliyaan maamul kala daadsan oo aan laheyn tabar uu wax kaga qabto nabadgelyo xumada ka jirta gudaha magaalada, falkan waxaa uu ku soo beegmay wax ka yar 24 saac markii maleeshiyaad isku beel uu iska hor imaad shalay ku dhexmaray xaafadda la yiraahdo Via-Afmadow, kaasoo lagu dilay qof rayid ah oo aan waxba galabsan.
Maxamed Cadaawe Gedoweb, Columbus, Ohio.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=482
Weerar xalay lagu qaaday guriga abbaanduulaha ciidamada Jubb
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNetizen
- Posts: 540
- Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm
-
- SomaliNetizen
- Posts: 540
- Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm
Re: Weerar xalay lagu qaaday guriga abbaanduulaha ciidamada Jubb
^^i think its Murax who hates Rer Gulayd Farah.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 6007 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 603 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 3 Replies
- 907 Views
-
Last post by kkk47
-
- 0 Replies
- 452 Views
-
Last post by Adan*5
-
- 0 Replies
- 656 Views
-
Last post by Talo alle udaa
-
- 13 Replies
- 1053 Views
-
Last post by whitehartlane