Muqdisho: "Heshiiskii

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Muqdisho: "Heshiiskii

Post by Somalian_Boqor »

Muqdisho: "Heshiiskii xabad joojinta waxaa jabiyay isbaheysiga Asmara, Dowladdana wey ka fiirsan doontaa go'aanka ay ka qaadeyno" Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
13. Juni 2008

APL
Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email


--------------------------------------------------------------------------------

Print This Article | Daabaco warkaan



Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa ku eedeeyay Isbaheysiga dib u xoreynta ee uu hoggaamiyo Sh. Shariif Sh. Axmed in ay jabiyeen heshiiskii lagu soo kala saxiixday dalka Jabuuti.

Maxamed Dheere ayaa ku eedeeyay xubnihii u soo saxiixay Ibaheysiga in ay ka soo bixi waayeen balantii ay galeen, wuxuuna sheegay in Dowladda KMG aysan u dul qaadan doonin dagaalada lagu soo qaadayo.

"Heshiiskii xabad joojinta waxaa jabiyay isbaheysiga Asmara, Dowladdana wey ka fiirsan doontaa go'aanka ay ka qaadaneyso" ayuu yiri Maxamed Dheere Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Maxamed Dheere ayaa difaray in kooxaha ka dagaalamaya magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo labo garab u kala qeybsan wuxuuna sheegay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee dagaalada kula jira in ay yihiin kuwo hal ah oo isku aabo iyo isku hooyo ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa dhankooda horay u sheegay in aysan joojin doonin weerarada ka dhanka ah dowladda Federaalka iyo ciidamada shisheeye, iyadoo hadalkaasi uu ka soo yeeray C/raxmaan C/Shukri Warsame oo heshiiskii u saxiixay dhinaca mucaaradka, waxaana muuqan hirgelinta heshiisyadii Jabuuti maadaama ay sii socdaan dagaalada.

C.M.Cali
AllPuntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”