Baardheere oo ay dib ugu laabteen xubnihii ka qeybgalay shir

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

CoolPoisoninthisbijj
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 540
Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm

Baardheere oo ay dib ugu laabteen xubnihii ka qeybgalay shir

Post by CoolPoisoninthisbijj »

Baardheere oo ay dib ugu laabteen xubnihii ka qeybgalay shirkii Ufurow

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa xalay waxaa dib ugu laabtay xubno ka kooban maamulka degmadaasi iyo guddiga odayaasha dhaqanka oo ka soo qeybgalay shir nabadeedkii toddobaadkii hore lagu soo gabagabeeyey degmada Ufurow ee gobolka Bay, kaasoo lagu heshiisiinayey laba beelood oo ay xurgufi dhexmartay.


Wafti ay kala horkacayaan guddoomiye ku xigeenka magaalada Baardheere Cali Axmed Shuuriye Bulsho iyo guddoomiyaha odayaasha dhaqanka degmdaasi Xuseen Biixi ayaa xalay dib ugu laabtay halkaasi kadib markii ay ka soo qeybgaleen kulan nabadeedkii ka dhacay degmada Ufurow ee lagu soo heshiisiiyey beelo kala dega gobolada Gedo iyo Bay oo shaqaaqooyin ay dhexmareen.


Guddoomiyaha maamulka Baardheere Maxamed Shariiif Xirsi Dhuddi oo wax laga weydiyey imaanshiyaha xubnaha waftiga ayaa sheegay in ay natiijo wanagasan oo guul ah la soo noqdeen xubnaha ay u direen degmada Ufurow markii nabad ay soo kala dhex dhigeen labadii beelood ee is hayey.


Shariif waxaa uu xusay in sidoo kale Baardheere ay soo gaareen odayaal dhaqameed ka socda degmada Ufurow oo halkaasi u tagay ogaanshaha xaaladda caafimaad ee dad ku dhaawacmay dirirtii ka dhacday bishii hore deegaanka Laan-Garas oo colaada beelaha ay ka bilaabatay.




Gedoweb Baardheere.

http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=492
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”