new Darood Elders Council in Banadir

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

CoolPoisoninthisbijj
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 540
Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm

new Darood Elders Council in Banadir

Post by CoolPoisoninthisbijj »

Image

Sheikh Hasan Sheikh Adan's chairman and he's chairman of Sade Elders Council in Banadir

Image



Gole logu magac daray golaha guurtida dhaqanka islaamka ee beelaha darod ayaa looga dhawaaqay maant magaalada muqdisho gobolka banadir

Golahaan oo ay xubno ka yihiin 121 xubnod gudoomiye iyo laba ku xigeeno ah halka ay golahisa fulntu yihiin 13 xubnood

Xafladii ku dhawaaqista golahaan oo lagu qabtay xaruntoda ayaa waxaa la soo qeyb galay ilaa 130 xubnood oo ka kala socday bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay horbodayaan odoyaasha dhaqanka ,siyaasada , culumaudin,oday dhaqameeyo, hogamiyyaal bulsho , suldaano ,wabaro, ugaasyo, indher garad kala oo bulshada qiimo ku leh waxaana ka muuqday dhamaantod dareen faxad leh oo ku aadan kulanka manta looga hadlayey golahaan waxayna aheyd arin dan u ah mujtamaca somaliyeed ,

Odoyaasha manta ayaa kala matalayey bulsho weynta qeybaheeda kala duwan iyo sidoo kale qabaailada somaliyeed oo dhan

Xaflada manta ayaa waxaa lagu furay aayado quraan ah iyo wacdi diini ah oo uu so jeediyey midka mid ahaa culumadii xaflada ka qeyb gashay oo lagu magacaabo sh/ maxamed sh/ cabdulaahi

Gudoomiyaha cusub ee loo doortay golaha guurtida ku dhaqanka islaamka ee beesha daarood Sh.Xasan Sh. Adan ayaa xaflada furitaanka ka soo jeediyey sababta kulankaan manta iyo ujeedada laga leeyahay wuxuna ku sheegay in ay muhiim tahay ku dhaqanka shareecada islaamka iyo waxa looga baahan yahay golahaan iyo sida uu ula jaanqaadi lahaa goloyaasha kale ee ka jira dalka fadhiga aya u muuqday mid ay ka wada dhex muuqdeen beelaha kala duwan ee beel weynta daarood

Sdoo kale gudomiyaha gudomiyaha golaha dhexe ee guurtida Cabdulaahi Maxamed Cabdi isaga oo war bixin ka dib ku so dhaweeyey gudoomiye ku xigenka 1aad ee guurtida beelaha direed Cabdinaasir Gaarane Maxamed wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay soo dhaweynayaan golahaaan isla markaana ay ayidsan yihiin xubnaha beelaha direed ,

Dhanka beelaha hawiye ayaa waxaa u hadlayey gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye Maxamed Xasan Xaad iyada oo ay kala qeyb galaeen xafladaan afhayeenkiisa Axmed Diiriye

Iyo gudoomiye ku xigeenka golahaasi midnimada beelaha hawiye

Sidoo kale gudoomiyaha golaha digil iyo mirifle wakiil ka socday oo lagu magacaabo sh. Cabdiwahaab sh.

Beelaha jareer weyne aya aka mid ahaa beelihii soo dhaweeyey isla markaana ayiday golaha guuritida ku dhaqanka sharecada islaamka ee beelaha darood fadhiga ayaa u ekaa mid ay Somali oo dhan ay ku midaysan yihiin xaga qabaailada

waxaana ka mid ahaa dadkii xafladaa ka hadlay manta afhayeenka golaha ugaas cabdiiraxmaan yuusuf oo halkaa ka aqriyey bayaan loogu talagalay saxaafada. Bayaanka ayaa u qoraa sidatan

Golaha guurtida ku dhaqanka shareecada islaamka ee beelaha daarood

Bayaan . tr :16/06/2008

12/06/1429 H

Walaalayaal waxaan dhamaan wada ognahay in wadankeenu ahaa dowlad la,aan muddo dhan sideed iyo toban sano {18} waxaana dadka soo food saaray dhibaatooyin waaweyn. Waxaa bur-buray wadajirkii iyo midnimadii umadda soomaaliyeetd. Waxaa la waayey dhamaan adeegyadii bulshada ee ay dowladi qaban jirtay sida: nabad gelyada caafimaadka ,waxbarashada IWM ,

waxaa baaba,ay kaabayaashii dhaqaalaha sida: wadooyinkii, dekedihii, garoonadii diyaaradaha, waxaa sidoo kale la waayay haybaddii iyo sharaftii ay soomaalidu ku lahayd dunida inteeda kale.

Waxaa lgu tuntay xurmadii ay diintu lahayd aydoo labbanaystay dilka iyo dhaca hantida gaarka ah iyo tan guudba iyo sharaftii uu lahaa qofka muslimka ah intuba.

intaa kadib, markii la dhisay dowladii hogaamiye- kooxeedyadii dalka babay dhibaatooyinka manta taagan oo ay ka mid tahay in gumeysi cusub dalkii gacanta u galiyeen, sidaas awgeed wuxuu gumeeystuhu baabi, iyay dhamaan adeegyadii bulshada sida masaajidada, dugsiyadda qur,anka, iskuulaada, jaamacadaha, goobihii caafimaadka oo dhan iyo naf iyo maal waxay dadkulahaayeen.

Waxyaabaha keenay dhibaatooyinka heysta dalka

1 iyada oo lga fogaaday ku dhaqanka shareecada islaamka

2 faragalinta shisheeye oo ameerika iyo Ethiopia ay koowkayihiin

3 jahil iyo wacyi yari ku baahaday umada soomaaliyeed.

4 qabyaalad indho la,a oo aan kala sooc laheyn .

5 qaadka oo saameen wayn ku yeeshay bulshada dhaqaala ahaan, caafimaad ahaan iyo nabadgaliyo ahaanba.

Ugu danbayntii waxay arintaasi sababtay in dalkii noqdo meel ay adagtahay in lagu noolaado,

Bulshadii somaliyeedna waxay u qeybsan tay

1 in u firxata aduunka daafihiisa.

2 waxay xabadi disho .
3 waxaydibi liqdo.

4 waxay gaajo dhisho.

5 wax ku xiran xabsiyadda aduunka.

6 inta soo hartayna waxay ku nool yihiin dul- qaad iyo rajo alle

hadaba golaha guurtida ku dhaqanka shareecada islaamka ee beesha daarood

waxay xil u arkaan sida hoos ku qoran:

1 in llahey loo toobad keeno dhamaan, lanana sameeyo banana bax alla bari ah.

2 in shareecada islaamka lagu dhaqmo.

3 in la mideeyo dhamaan beelaha soomaaliyeed laguna mideeyo kitaabka alle

4 in dhamaan umadda somaliyeed u midowdo xoreynta dalka iyo difaca diinta nafta iyo maalba

5 in laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa heybadii dowlad nimo ee somaliya

Baaq

1 goluhu wuxuu ugu baaqayaa maamul goboleedyada puntland iyo Somaliland in ay joojiyaan falalka foosha xun xun ee au cadowga Ethiopia ugu gacan galinayaan walaalaha Somali galbeed , is la markaana goluhu wuxuu amaanayaa dadaalada ay wadaan isimada iyo wax garadka maamul goboleedyada puntland dhinaca kala waxaa uu goluhu soo dhaweeyey guurtida iyo waxgaradka mamul goboleedka Somaliland ,

2 sidoo kale goluhu wuxuu aad iyo aad uga xun yahay khilaafadka soo kala dhex galay walaalaha isbaheysiga dib u xoreynta somaliya , wuxuuna ugu baaqayaa in lagu xaliyo khilaafaadkaas wada hadal waafaqsan kitaabka alle , iyo sunada nabiga NNKH wuxuuna oluhu ku talinayaa in la joojiyo canbaareynta iyo dicaayadaha la isku marinayo warbaahinta ,lagana digtoonaado farax galinta cadowga dalka iyo dadka somaliyeed ,

3 golaha guurtida ku dhaqanka sharecada islaamka ee beelaha daarood waxaa uu taageerayaa halganka hubeysan ee lagaga so horjedo gumeysiga ku soo duulay dalka iyo dadka sopmaliyeed , badayna dhibaatooyinka baaxada weyn eel eh naf iyo maalba

gabagabo


waxaan ugu yeraynaa umada islaamka meel kasta oo ay joogaanba gaar ahaan shacabka somaliyeed qodobada hoos ku qoran

1 walaalayaal waxaan ognahay dhibaato kasta oo jirta sida khilafka , duli ,dagaalda , abaaraha , iyo cudurada , in ay yihiin danbigii aan galnay ,sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan alle u toodab keeno toobad keen dhab ah .

2 walaalayaal waxaa kale oo lama huraan ah in aan la imaano is bedel si aan u helno is bedel wanaagsan sida uu allaah ku yiri kitaabkiisa quraanka kariimka ah

3 in aan radino midnimada ummadda somaliyed si aan u soo cesheno sharfteenii iyo awoodeenii dowlad nimo anaga o raceyno wadad alle , isla markaana qadaneyna awaamiirtiisa

Xafiiska war qabadka Dayniile
Goternburg, Sweden
dayniilenews@yahoo.com ,dayniilecom@hotmail.com
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: new Darood Elders Council in Banadir

Post by AbdiWahab252 »

BOONtastic news :up:
hanad_mn
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2595
Joined: Sun Mar 30, 2008 3:33 pm

Re: new Darood Elders Council in Banadir

Post by hanad_mn »

Maasha allaah. Somalis are integrating and uniting. The triabal barriers would soon gone insha allaah. I heard Tigree counsil too in Mogadishu. so one day would have somali vs Tigree counsil members meeting.
User avatar
DR-YALAXOOW
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13991
Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am

Re: new Darood Elders Council in Banadir

Post by DR-YALAXOOW »

ugaaska beesha TIGREE ee mogadishu UGAAS abu gabre al tigraawi. dhawaan ayuu shir u qaban doonaa meesha tigree ee ku nool xamar,iyo sidii ay beesha tigree banaadir si nabad ah au ula noolaan lahaayeen beelaha kale ee degga gobolka banaadir.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”