Gabdho Soomaaliyeed oo Ciraaq ku Go`doonsan si qasab ahne...
Posted: Tue Jun 24, 2008 7:23 am
Gabdho Soomaaliyeed oo Ciraaq ku Go`doonsan si qasab ahne Shaqaale Looga dhigtay .
(Oodweynenews)Rag isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali ayaa samaystay Shirkad ay Gabdho Soomaali ah uga soo qadayaan Magaalada Muqdisho iyaga oo u shegay inay shaqo u gaynayaan dalka Suuriyo shaqadaas oo ah isbitaal kana wadayaan dhibka Magaalada Muqdisho balse markii danbe u leexiyeen dhanka wadanka Ciraaq iyagoo arintaas la socon Gabdhaha .
Gabdhahaan ayaa midiiba laga qaaday lacag garayso Kun Dollar sida ay ku warameyn, waxaana lacagtaas ka qaday xafiis ay shirkadaan been abuurka ah ay ku leedahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan KM4 iyagoo la ah shirkad nin Itoopiyaan ah oo cumaan jooga kana danbeeyo arintaan Gabdhaha lagu shirqoolay.
Mid kamid ah Gabdhaha ku Go'doosan dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Wiilo Macallin Cabdulle ayaa Warbaahinta u sheegatay inay hadda ku sugantahay Magaalada Sulaymaaniya ee Caasimmada u ah Gobolka ku yaallA Waqooyiga dalka Ciraaq ee Kurdustaan.
Gabadhaan ayaa lagu qasbay in ay u shaqayaan Qoysas Ciraaqiiin ah si Lacag la'aan ah sida ay sheegtay Wiilo Macalin ,iyagoo Qoysaskaan Shirkadii Gabdhaaan soo sirtay ka siisteen lacag gaarayso laba kun oo dollar lacagtaas ma qadanayaan gabdhaha ee waxaa qadaanayo shirkadii been abuurka aheyd Gabdhahane waxay ku shaqaynayan qaab lacag la'aan ah .
Tiradda Gabdhahaan ayaa markii hore ahaa 12 Qofood ayaa hadda sadax ka mid ah Soomaliya dib loogu celshay kadib markii ay sida Wiilo ku warantay ay Calooshoodu Dilaacday Culeyska biyo jrgaamo ku jira ay sarey Dabaqyo dhaadheer awgii.
Ayaan darada heysata Gabdhaha Soomaliyeed ayay tani qayb katahay, waloow ay Itoopiyaanka wadanka qabsaday iyo damiir lawayaasha la socdo itoopiya ay bilabeyn in ay si sharci daro ah ugu ganacsadaan Gabdha Soomaaliyeed ee Sharafta leh .
Horseedka Warbaahinta
Raage Cali Dheere