Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa laga aas'aasay taariiqdu markay ahayd 1/2/2007 rugta caafimaadka ee Tawasal waxaana ka hawlgala dhaqaatiir taqasus u leh caafimaadka waxaana ka mid ah dhaqaatiirtaas Dr. C/qaadir C/laahi Xasan oo ku taqasusay cudurada Guud (General Diseas) & Cudurada Caruurta (pediateris) waxaa kaloo ay Rugata Caafimaadka ee Tawasal ay leedahay Shebaar weeyn oo casri ah waxaana Shebaariiste ka ah Max'ed C/llaahi Warsame (Mr. Blak) oo Shahaado Caalami ah ka wata Habka loogu shaqeeyo Sheyvaarka.
Xarunta Caafimaadka Tawasal waxaa uu ku yaalaa Xaafada Yareewe ee Degmada Caabudwaaq waxaana ka hawlgala shaqaale loo soo tababaray hawlaha caafimaad ee Xaruntaasi ay ka wadi Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Tan iyo markiii la aas'aasay Xarunta Caafimaadka Tawasal waxaa soo booqday bukaano gaaraya ilaa 4321 Ruux, ku waasoo ay xaruntu u qabatay adeegyo caafimaad oo kala duwan sida daaweeyn cuduro,daaweeyn dhaawacyo oo is kugu jira dhaawac Rasaas ama Xabad dhaawacyo tooreey iyo dhaawacyo shilal.
Dr.C/qaadir C/laahi Warsame oo uu mar wariyaha allwadani u fadhiya waqooyiga G/gaduud uu ku booqday xaafiiskiisa isagoo xiligaas daaweeynayay bukaano badan oo ka kala yimid qaarka mid ah tuulooyinka ku teedsan magaalada caabudwaaq iyo gudaha magaaladaba ayaa waxaa uu u sheegay wariye Zaynudiin in ay haysato baahi dhinaca Qalabka ah sida Computerada iyo Raajada oo ay san guud ahaanba lagayn Degmado midaasoo ku ka lifta bukaanada intooda badan ayagoon awood dhaqaale ku filan in ay u aadaan raajo gobolada kale ee dalka Somalia, sidaas daraadeed Xaruntu waxaa ay qorsheeynaysaa sidii ay ugu guuleeysan lahayd haqabtirka baahida caafimaad ee bulshadaada.
Ugu danbeeytii maamulka Rugta Caafimaadka ee Tawasal oo ku yaala Xarunta waqooyiga G/gaduud ee Caabudwaaq ay waxaa ay Codsi ugu soo gudbinayaan guud ahaan Jaaliyada Dibada iyo Hey'adaha Caalamiga ah in ay ka qayb qaataan Hurumarka Caafimaad ee ay Rugtaasi ka wadaan Deegaanka Caabudwaaq, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay hada taagan tahay baahidoodana waxaa ay xarunta ku tilmaameen Computero iyo Raajooyin ku waasoo si weeyn loogu baahan yahay xiligaan hada la joogo.
Waxii faah faahin ah waxaad kala soo xiriiri kartaa Emaailka Cinwankiisu uu yahay tawasal4@hotmail.com ama taleefan lambarka +25215824582.