2 kids died cause of bomb that SNF and Itihad left behind

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

CoolPoisoninthisbijj
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 540
Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm

2 kids died cause of bomb that SNF and Itihad left behind

Post by CoolPoisoninthisbijj »

fock, that's focked up. why the fock didnt they clean that shiid?

Labo Dhalinyaro Ah Oo Ku Geeriyootey Qarax Bam Oo Ka Dhacay Tuulo U Dhow Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo
Jul 05,2008
by Ceelwaaq-GEDO-NN
Labo ruux oo reer guura xoola dhaqato ah ayaa ku geeriyootey qarax nooca bamka ah oo ka dhacay shaley gelinkii dambe meel miyi ah oo u dhow Tuulada muudaale oo qiyaastii 60km dhanka bari kaga toosan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, kadib markii sida ay wararku sheegayaan labadaasi ruux ay la qaraxdey Bambaano tiiley dhulka oo ay ku rideen dab xilligaasi u shidnaa.

Labada qof ee dhimatey ayaa dad,oodu waxaa lagu kala sheegay 23 jir ilaa 28 jir kuwaasi oo xilligaasi la jirey xoolo ayaa saaka meydkooda waxaa laga helay meel qiyaastii tuulada u jirta iaa 15 km,waxaana isla gobtii lagu arkey Firirka nooca Bambada iyo astaamo badan oo ka muuqdey jirka labadaasi nin.

Qaraxaani oo ahaa nooca Bambaano mudo sii horeysay dhulkaasi tiiley ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambeysa,hase ahaatee dad goobjoogayaal ah oo gaarey gobta uu qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay sheegeen in labadan nin ay u geeriyoodeen kadib markii ay Bambada ku rideen meel dab ah ,taasina ay keenta in ay ku qaraxdo.

Dad xog ogaal ah oo ku sugan deeganadaasi ayaa waxay Gedonet u sheegeen in Qaraxan bam uu yahay Bambooyin iyo miinooyin dhulkaasi ku harey sanadahii u dhaxeeyey 1997 ilaa 1998,xilligaasi oo qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ay ku dagaalameen Ururadii SNF iyo Al-itixaad,mana jirin ilaa waqtigaasi cid wax ka qabatey waxyaabaha qarxa oo deegaanadaasi ku badan.

Mana ahan markii ugu horeysay oo Qarax bam oo deegaanadasi ka dhaca ay waxyeelo ka soo gaarto dad iyo duunyaba.

A C Saalixi-GEDO-NN--Baardheere


http://www.gedonet.com/index.php?news=3284
User avatar
precious_dyme
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2103
Joined: Thu Jul 05, 2007 1:44 pm
Location: SOMALIA 21/10/69

Re: 2 kids died cause of bomb that SNF and Itihad left behind

Post by precious_dyme »

AUN.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”