
Kulan balaadhan oo ay maanta Buuhoodle ku yeesheen Xubno metelayey Golaha Isimada SSC ayaa taageero dhamaystiran waxa ay la dhinac istaageen Musharaxa Madaxtinimada PL Dr Saleebaan Ciise, waxaana kulankaasi goobjoog ka ahaa musharaxa laftiisa, (Daawo sawirada)
Golaha Isimada SSC ayaa si weyn ugu nuuxnuuxsaday sida ay maqsuudka uga yihiin in Beelaha SSC ay isu taagaan inay qabtaan hogaanka Umadda PL, waxana ay sheegeen in Dr saleebaan uu yahay shaqsi mudan inuu wadankan taladiisa qabto, maadaama bay yidhaahdeen uu yahay qof muwaadin ah, aqoonyahan ah, dhalinyaro ah, isla markaana wadanka ka qabtay mashaariic dhinaca arimaha bulshada ah oo aasaasi ah.
Kulanka maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen isimada kala ah, Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe, Suldaan Siciid Cismaan Cali, Garaad Abshr Saalax, Boqor cabdilaahi Axmed Cali & garad Saleebaan Buraale ayaa waxaa khadka taleefoonka kaga qayb galay isimada ku sugan Gobolka Sool qaarkood, waxaana loo muujiyey musharaxa in lala dhinac taagan yahay Hiil & Hooba, uuna isu taago jagadaasi.
Musharaxa dhinaciisa ayaa u mahadceliyey isimada waxaana uu sheegay inuu u baahan yahay inay u duceeyaan, uuna ku hanweyn yahay inuu ku guulaysan doono mansabkaasi, isla markaana uu qabo in maslaxad badani umadda ugu jirto.


he built a hospital in Buuhoodle last year