SHEEKH NASRALLAH: HALYEY DHIIRRAN IYO HABEENKII CARBEED
Posted: Thu Jul 17, 2008 8:55 am
Sheekh Xassan Cabdikariim Nasrallaah wuxuu ku dhashay Burj-Xammuud oo ku taalla Bariga Bayruut, wuxuuna ahaa cunuggii 9aad ee carruur toban ah.
In door ah ayey reerkoodu qaxooti ku ahaayeen Baasuuriye halkaas oo uu Shiikhu ku dhamaystay tacliintiisii dugsiga sare. Sida Ina Laadin, Sheekhu wuxuu dhashay 1960. Xafiiska talada ee Xizbullaah-na wuxuu Sheekhu la wareegay 1992dii.
Haddii aan intaa ka niri Sheekh Xassan Nasrallaah, aannu is-weydiinno maxay caawa uga duwan tahay habeennadii carbeed ee 40kii sanadood ee na dhaafay.
Gegida diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Rafiiq Xariiri weeye goobtu. Waxaa taagan Michel Suleiman (Madaxweynaha Lubnaan) Raysal-Wasaare Fu'aad Senura, Afhayeenkii Baarlamaanka Lubnaan, Wadaaddo badan oo shiico ah iyo kuwo badan oo masiixiyiin ah oo dhamaantood reer Lubnaan ah. Sacad Al-Xariiri oo uu dhalay Rafiiq Al-Xariiri waa taagan yahay. Haddii aad dhamaysan rabtid:
http://realgedo.blogspot.com/2008/07/fa ... assan.html