More Troops Send Into Mogadishu!!!!
Posted: Thu Jul 24, 2008 12:36 pm
More Troops Are Send Into Mogadishu To Bring Security Back:
Ciidamo gaaray Muqdisho
23 Jul 23, 2008 - 7:37:20 PM
Ciidamo dhawaan DF loogu soo tababaray dalka Ethiopia ayaa maanta gaaray Muqdisho; iyagoo fariisimo sameystay, lamana garanayo talaabada xigi doona ee ay qaadayaan.
Taliyaha ciidamadan cusub Col. Daahir Max'ed Cabdi [Daahir Dheere] oo la hadlay saxaafada markii ay gaareen Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadan cusub loogu talogalay inay sugaan amaanka Muqdisho oo aad u xun.
"Ciidamadu waxay soo celin doonaan amaankii Muqdisho; waxayna la dagaalami doonaan kooxaha mucaaradka ah ee aan diidan nabad dhalata" ayuu yiri Col. Daahir Dheere.
Ciidamadaan oo socod kusoo maray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay dhaawac u geysteen ugu geysteen deegaanka KM-13 laba qof oo rayid ah, kuwaasoo saarnaa gaari BL ah.
Goobjooge ku sugan deegaanka KM-13 oo rasaastan ay ka dhacday ayaa u sheegay Garowe Online in dhalinyaro ka tirsan kuwa deegaankaas qaxa ku jooga ay isku dayeen inay ciidamada jidka uga xiraan dhagaxaan, balse ay taasi keentay inay ciidamadu rasaas furaan.
"Rasaastii ay ciidamadu fureen waxay ku dhacday gaari caasi ah oo marayay halka uu falkaas ka dhacay, laba qof ayaana ku dhaawacmay" ayuu goobjoogahaan oo magaciisa qariyay u sheegay Garowe Online.
Ciidamadan ayaa waxay ku labisan yihiin dharka u eg kan ay ku labistaan ciidamada Ethiopia, waxayna wataan gaadiidka dagaalka iyo kuwa ciidamada xambaara oo Ural ah, iyadoo gaadiidka qaarkoodna ay jiidayaanmadaafiicda waaweyn.
Qaar ka mid ah ciidanka ayaa waxay dageen Taliskii Asluubta oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo Ethiopian ah, halka ay kuwo kalena dageen wasaarada gaashaandhiga oo iyadana saldhig u ah ciidamada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho.
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay ciidamadan cusub ee Muqdisho gaaray ayaa sheegay inay yihiin kuwo sugay amaanka Muqdisho, iyagoo hub ka dhigis sameyn doonaan.
Garowe Online, Muqdisho