arowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa maanta si wada jir ah kulan ula qaatey Isimada ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag & Cayn.
Kulankaan Masuuliyiintan oo ahaa mid dad badan loo diiday ayaa Saxaafada laga dhareeyey ,waxa ayna dad badan sheegayaan in waxyaabo badan looga wada hadley oo ay ugu horeyso xaalada Magaalada Laascaanood.
Saraakiil ka tirsan Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in ay Isimada gobaladaasi dhaliil kulul dusha uga tuureen Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Madaxweynaha Puntland waxa ayna ku eedeeyeen Madaxweyne Cadde Muuse in uusan wax ka qaban qabsashahadii laga qabsaday Magaalada Laascaanood.
Madaxweyne Cadde Muuse ayaa sheegay in ay dawladda Puntland ku jirto diyaar-garoow balaaran oo ay dooneyso in ay dib gacanteeda lugu soo celiso Magaaladii Laascaanood oo ay mudo badan hada heysato Maamulka la baxay Somaliland.
Cadde Muuse wuxuu beeniyey in uusan Maamulkiisu diyaar uaheyn wax ka qabashada xaalada Laascaanood ,wuxuuna sheegay in maalin maalmaha ka mid ah la arki doono Magaalada Laascaanood oo ku jirta gacanta dawladda Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa siweyn uga hadlay Xaalada Soomaaliya ,isagoo sheegay in ay dawladdiisu gashey dagaalo badan oo ay ku soo qaadeen dad leh dano gaar ah wuxuuna sheegay in ay dawladda Soomaaliya wada hadalo la yeelatey inta badan Mucaaradkii dawladda Soomaaliya.
Madaxweyne Yuusuf wuxuu siweyn uga hadlay xaalada Laascaanood ,wuxuuna halkaasi ka soo jeediyey hadalo dad badan ay mudo badan dhowrayeen ,inkastoo Saxaafada loo diiday hadana waxa ay inta badan dadkii goobta joogey ka gaabsadeen in ay shaaciyaan waxyaabihii uu ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ,Madaxweynaha Puntland Md. Maxamuud Muuse Xirsi ,Isimada ka soo jeeda gobalada Sool ,Sanaag & Cayn & Xubnaha gobaladaasi ugu jira labada Golle ee dawladda Puntland ayaa kulankaasi ka soo baxay ayagoo farxad ay ka muuqato ,waxa ayna dhamaanba diideen in ay faahfaahin ka bixiyaan waxyaabihii ay ku soo kala tageen.
Wixii ka dambeeyey qabsashadii Magaalada Laascaanood 15-Oct-007 ,waxaa gaarayey Xaafiiska Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi dhaliilo & guubaabin xoog leh oo uga imaaneysay Bulshada Puntland ee jooga dalka gudihiisa & dibadiisa.
A.Yusuf and Cadde Muse meet with SSC leaders
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: A.Yusuf and Cadde Muse meet with SSC leaders
they are not really ssc leaders are they run away
garaads garaad selebaan and garaad jamac living in exile waxba sheegii mayaan
garaads garaad selebaan and garaad jamac living in exile waxba sheegii mayaan

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1195 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 12 Replies
- 1902 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 1 Replies
- 516 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 9 Replies
- 770 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 415 Views
-
Last post by Gen.Aideed
-
- 12 Replies
- 917 Views
-
Last post by halfoshalfom-614
-
- 5 Replies
- 910 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 7 Replies
- 802 Views
-
Last post by paidmonk