KU: Hoggaanka iyo Waxgaradka Beesha Absame ee Jubooyinka
KA: Waxgaradka Beesha Sade ee gudaha wadanka iyo dibadda.
Ujeeddo: Sii Dayn Iraad Max'ed Cali
Annagoo tixgalinayna duruufaha adag ee ay horey ula silicsanaayeen shacabka Jubooyinka; xoojinaynana baaqii horey uu u soo jeediyeey afhayeenka beesha Sade ee Jubooyinka Xasan Dheere, waxaan Odeyaalka Dhaqanka iyo waxgaradka beesha Absame ugu baaqaynaa in la sii daayo Col. Iraad Max'ed Cali, oo 26-kii bishii July dableey beesha Absame ah ay ku afduubteen degmada Dhoobley.
Sidoo kale, waxgardka beesha Sade, waxaan iyagana u soo jeedinaynaa in arrinta wadahadal lugu dhameeyo maadaama arrintu tahay shirqool loo dhigayo guud ahaan shacabka Jubooyinka gaar ahaan labada beelood ee walaalaha ah (Absame iyo Sade).
Waxaan si waddajir ah waxgaradka labada beelood iyo ummadda Soomaaliyeed ee kale ee ku nool gobollada Jubooyinka u soo jeedinaynaa in ay ka feejignaadaan iska horkeenka laga soo abaabullo Muqdisho iyo Nairibi, kuwaas oo looga xunyahay nabad ku wadda noolaanshaha shacabka Jubooyinka gaar ahaan Absame iyo Sade.
Warar xog-ogaal ah oo laga helayo Muqdisho iyo Nairobi waxaay xaqiijinayaa in ay jiraan mu'aamaraddo ku saabsan sidii gobollada Jubooyinka oo hadda nabad iyo isfaham bulshada dhexdeeda ahi ay ka jirto, dagaallo looga ridi lahaa.
Sidaas daraateed, waxaan walaalahayo Absame ka codsanaynaa in la siidaayo Col. Iraad Max'ed Cali si sharuud la'aan ah, wixii tabasho ah ee beesha Absame ay Sade ka tirsanaysana ay sheegtaan.
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=920
BAAQ BEESHA ABSAME LOO SOO JEEDIYEEY
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNetizen
- Posts: 540
- Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 360 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 29 Replies
- 361 Views
-
Last post by Samatr
-
- 12 Replies
- 2362 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 4 Replies
- 1012 Views
-
Last post by Ceelafweyn
-
- 21 Replies
- 1912 Views
-
Last post by zingii
-
- 3 Replies
- 531 Views
-
Last post by Camel_herder
-
- 21 Replies
- 1318 Views
-
Last post by xoogSADE14