Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye
Posted: Sat Aug 02, 2008 7:39 pm
hadhwanaag 2008-08-02 (Hadhwanaagnews) Muqdisho(HWN):- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya in uusan nabad rabin, isla markaana uu caqabad ku yahay tallaabo kasta oo loo qaado dhinaca dib u heshiisiinta iyo Nabadda.
Af-hayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar [C/llaahi Dheere] ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ka soo horjeestay tallaabada ay Xukuumadda Nuur Cadde u qaaday dhinaca wanaaga, taasi oo ahayd in ay xilka ka qaadday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo eedeymo fara badan loo jeediyay