Toosoo isku Tiirsada
Hadba kiina taagdaraneey
Taageera waligiine
Tuldo geela oo dhacan
Baad toogasho u badheedhaa
Ma dhulkan dhanee tagay
Ayaan nina qori u tuurayn
Hadba waxaan la taahaa
Togaga uga qaylshaa
Nin dalkiisii caddow tegay
U taag waayey baan ahay
Odayaasha kala tegay
Iyo tafaraaruqaa i dilayee
Ingiriis ma taliyeen
Faransiis ma tookheen
Talyaanina ma gooheen
Amxaar ima taseeyeen

Hadaydaan tog wada marin
Taladeenu meel noqon
Taabimaynno calan wacan!