Rer Hasan who were trained in Ethiopia escape to Burdhubo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

CoolPoisoninthisbijj
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 540
Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm

Rer Hasan who were trained in Ethiopia escape to Burdhubo

Post by CoolPoisoninthisbijj »

Ciidamo ka tiran kuwa Mleteriga dowlada KMG Soomaaliya ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia ayaa ka goostay dowlada kuwaasi oo qeeybo ka mid ah ay gaareen gobolka Gedo.



Tiro Ciidan ah oo ka mid ahaa ciidamada Militeriga dowlada KMG Soomaaliya ee uu dhawaan Tababarka ugu soo dhamaaday dalka Ethiopia ayaa waxaa ay soo gaareen iyagoo ka soo goostay dowlada qeeybo ka mid ah degmada Buur dhuubo ee gobolka Gedo.



Ciidamadani oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 35 askari isla markaana ku hubeeyan kuwaasi oo ka soo kicitimay degmada Baydhabo oo ay dhawaanahan ku sugnaayeen.



Sida uu idaacada Shabelle u xaqiijiyay Gudomiyaha Degmada Buurdhuub C/llaahi Max'ed shakuur ciidamadani ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen kuwa Mileteriga ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia isla markaana ka mid ahaa ciidamada ku sugnaa Degmada Baydhabo.



Sidoo kale Masuulkaasi waxaa uu sheegay in ciidamada marka ay soo galayeen deegaanka Buurdhuubo in ay fureen rasaas fara badan oo socotay qadar 5 daqiiqo ah taasi oo aysan cidi wax ku noqon waxaana sarkaalkii watay ciidamadasi uu ku micneeyay in arintaasi ay ugu damaashaadayeen mar hadii ay soo gaareen deegaankoodii Buur dhuubo.



Isku day aanu ku dooneeynay in aan wax ka weydiino sarkaalka ciidamadasi watay ayaaneey noo suuro galin balse dad xog ogaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in arinta goosashada ciidamadani ay salka ku heyso dhaqaalo la'aan iyo xaaladaha uu dalku marayo.



Wa markii ugu horeeysay ee tiro ciidan ah oo ka tirsan kuwa dowlada KMG Soomaaliya ay ka soo baxsadaan isla markaana ay soo gaaraan deegaano ka tirsan gobolka Gedo tan iyo markii ciidamadani uu tababarka ugu soo dhamaaday gudaha dalka Ethiopia.

http://www.shabelle.net/News/ViewNews.asp?NewsID=251
User avatar
Young Wadani *
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 660
Joined: Sat Apr 26, 2008 2:18 pm
Location: Green Street

Re: Rer Hasan who were trained in Ethiopia escape to Burdhubo

Post by Young Wadani * »

Xassan Geesi haa Noolado :somalia:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”