new land 1000s with camels from Gedo settel in Midle Juba
Posted: Tue Aug 05, 2008 12:08 pm
Xoola Dhaqato Aad U Tiro Badan oo ka Soo hayaamay Gobolka Gedo soo gaaray Gobolka J/Hoose iyo Qaniin Soo Fuudsaarey Geelii ay Wateen
Aug 05,2008
by Kismaayo-GEDO-NN
Boqollaal xoola dhaqato ah kana soo hayaamay G/Gedo ayaa dhawaan soo gaarey Goboladda J/Dhexe iyo J/Hoose, kuwaa oo u badan Geel. Hase ahaatee, wararka aanu ka helayno xoola dhaqatada ka soo hayaamay G/Gedo ayaa sheegayo in ay soo food saartay cudurro ay ku tilmaameen Khaniin oo kaga dhacay Geelii taasoo sababtay dhimasho uu bilaabo geelii ay wateen.
Faarax Cabdi Xasan oo ka mid ah Geeley ka hayaamay deegaanka Buurdhubo ee G/Gedo oo aan maanta kula kulmay Kismaayo xili uu ka gadanayay dawadda Geela, wuxuuna ii sheegay in cuduro ku salaysan khaniin cunay Geelii ay wateen uu soo food saarey kaasoo keenay in uu dhimasho bilaabo Geelii ay wateen, taasoo dhabar jabweyn ku keentay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa goboladda jubbooyinka soo buux dhaafiyay xoolo aad u tiro badan oo kasoo hayaamay G/Gedo, kuwaa oo ka soo barbax u soo doontay Jubbooyinka ka gadaal roob la'aan soo food saartay Sanadyadii u danbeeyay G/Gedo.
Wali Sh Cabdi Gurxan
Gedo News Network
Kismayo Somalia
http://www.gedonet.com/index.php?news=3475