Baaq ay si wadajir ah u soo saareen duqowda dhqanka iyo waxagaradka gobolka Gedo ayey ku dalbadeen in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo oo xoriyadiisa dib loogu celiyo Col: Iraad Maxamed (Calooley) oo koox hubeysan oo aan la garan ay deegaanka Dhoobley ku afduubteen bishii hore.
Baaq ay ku saxiixnaayeen inka badan 40 hoggaamiye dhaqameed oo isugu jira Salaadiin, Ugaasyo, Nabadoono iyo duubab dhaqan oo kale oo laga soo saaray inta badan degmooyinka gobolka Gedo ayaa lagu codsaday in lagu sii daayo Col: Iraad Calooley oo ku xiran miyiga Dhoobley, bayaanka ayaa lagu xusay in xaq darro iyo wax aan la fiirsan karin ay tahay in si sharc darro ah oo waliba sida qoraalka u dhigayo lagu heysto muwaadhin Soomaaliyeed oo aan cadeyn dambiga lagu taxaabay.
Odayaasha dhaqanka baaqa soo saaray ayaa ka codsaday beesha ay ka soo jeedaan kooxaha gacanta ku haya sargaalka xiran in ay soo furdaamiyeen iyagoo tixgelinayo sida ka muuqato bayaanka muslinimada, Soomaalinimada iyo deriska la wadaago, waxay beesha Absame waxgaradkooda meel kasta oo ay joogaan ugu baaqeen in ay ka hortagaan deegankoodana ka ilaaliyaan nasiib darro ay kooxaha haya Iraad Calooley u soo hoyin karan beeshaasi waa sida lagu tibaaxay baaqa ay soo saareen odayaasha gobolka Gedo.
Col: Iraad Maxamed Cali (Calooley) oo ah sargaal horay uga tirsanaan jiray maamulkii Isbaheysiga Dooxada Jubba ayaa laga qabtay deegaanka Dhoobley 27-ka bishii hore kadib markii lagala degay gaari uu lahaa oo ka yimid magaalada Ceelwaaq, markii dad ugu war dambeysay waxaa la sheegay in kooxaha xirtay ay la aadeen dhulka dhanka miyiga kaga beegan Dhoobley, lama ogaan karo waxa ay xaaladiisa ku sugan tahay, waxaana horay u guuldareystay isku daya lagu doonayey in lagu soo daayo.
Maxamed Qani Xuseen (Kuus), Gedoweb Beledxaawo.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=641
Odayaasha gobolka Gedo oo dalbaday in la sii daayo Col Irad
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNetizen
- Posts: 540
- Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm
-
- SomaliNetizen
- Posts: 540
- Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm
Re: Odayaasha gobolka Gedo oo dalbaday in la sii daayo Col Irad
Cagdhers why do U kidnap?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 514 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 1 Replies
- 381 Views
-
Last post by COSTA
-
- 1 Replies
- 968 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 4 Replies
- 1096 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 0 Replies
- 315 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 2 Replies
- 8226 Views
-
Last post by GuleedWarsame
-
- 2 Replies
- 361 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 0 Replies
- 336 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 334 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 23 Replies
- 1365 Views
-
Last post by original dervish