
Sarkaal Soomali ah oo Loo Dhiibayo Jagada Wasiirka Gaashaandhiga Itoobiya
Monday, 11 August 2008
Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka soo jeedda Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa la filayaa in jagada wasiirka gaashaandhiga Itoobiyada Federaalka loo magacaabo sarkaal ama siyaasi soomaaliyeed oo lagu soo gaabiyey magaciisa Cabdi Iley, kaasoo laga yaabo inuu bedelo ninkii hore jagadaasi u hayn jiray Kuma Demeska oo isaga hadda laga dhigay Duqa caasimadda Addis-ababa.
Warbaahinta oo soo xiganaysay saraakiil ku dhowdhow taliska dhexe ee Ciidamada federaalka itoobiya ee saldhigiisu yahay Magaalada Harar ayaa waxa ay daabacday in raysalwasaare Mellez uu isku deyeyo inuu hagaajiyo xidhiidhka dawladda dhexe & qowmiyadda Soomaalida itoobiya.
Sarkaalka jagadaasi loo wado oo ah Xildhibaan Heer federaal ah ayaa ah nin ay xukuumaddu ku kalsoon tahay, waxaana ay u dhowdahay in magacaabistiisa la sameeyo ka hor inta aanu bilaaban sanadka cusub ee Itoobiya oo ay hadda inaga xigto muddo Bil ah.
Xuseen Kurdi
Buuhoodlemedia.com