Udub vs Kulmiye

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Udub vs Kulmiye

Post by SahanGalbeed »

Md. Axmed-siilaanyo waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay dalka ugu yeedhayso ballaayo aan joogin, taas oo ah buu yidhi


"Waxaanan maanta dawladda ka akhrisanaynin dacaayadaha ay iyadu dalka ku wado, dunida maanta waxa ka socda dhibaatooyin farabadan oo aynaan doonayn in ay saamayn inagu yeeshaan. Haddii haddaba inagu isku soo hoggaamino dhibaato oo aynu dalkeena ku bixino in argagixiso ka socoto oo ay dawladda afkeeda ka soo baxdaa ma xalaal baa? Mayee maaha ee waa xaaraan"

Udub iyo dowladdu , horta waxay ila tahay aniga iney Silanyo iyo wixii la socda "terrorist" ku sheegan , waa qalad aad iyo aad u weyn .
No2/ Waxa kale oo meesha jirta , haddi aad rabto inaad Silanyo iyo HJ-da isku xidho , oo deetana tidhado
"Shir beeleed bay abaabulayaan , oo qabyaalad bay meesha ka wadan " adigoo nin wasiir ah , taasi na waa qalad aad iyo aad u weyn .

Udub :down: , they need to fix up !
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Udub vs Kulmiye

Post by SahanGalbeed »

Silanyo
Waxa la soo qaadqaadayey oo dawladdu had iyo jeer sheegtaa baabuur baa kurta la jaray, horta baabuurta madaxa la jaray anigu indhahayga kuma arag weli wax arkayna ma arag, marmarka qaarkood waxaan is idhaahdaa waa la abuurayaa, laakiin waxaan halkan ka caddaynayaa waxaan maqlayaa dad loo duur-xulayee anigu waxaan ahaa ninkii 80 cod oo weliba boobka iyo tuugada ahaa kaga tagay nabadgelyada dalka ilaalinteeda, aniga, xisbigayga iyo inta iga taloqaadataa halgan hore ayaanu u soo marnay qadhaadhkiisana waanu naqaanaa, xabbadi waxay tahayna waanu naqaanaa maanta cod baanu wax ku doonaynaa ee xabbad wax ku dooni mayno. Haddii waxaa la sheegayaa jiraan waanu dhaleecaynaynaa shuqul aannu ku leenahayna ma jiro, wixii la socdana dagaal baanu ka xignaa in aannu ku qaadno weliba. Uma baahnin oo taageerada dadka ayaanu haysanaa oo aannu hubno in aannu doorashada ku helayno. Maxaa iskaga af-dhigay dawladdeenii dalka xukumaysay iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland ee lahaa argagixiso ayaa Somaliland joogta ee qolyihiinii wax bam garayn jirtay kaalaya na bam gareeya miyaa, waa wax laga xishoodo
Odaygaasi horta beenta ma yaqaan , they {UDUB}need to find another way to get him .
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”