General Ilka-jiir oo si diiran loogu soo dhaweeyey Bariga Sa
Posted: Wed Aug 20, 2008 7:59 am
General Ilka-jiir oo si diiran loogu soo dhaweeyey dhamaan deegaanada Badhan, Hadaaftimo, Ceelbuh, Dhahar,iyo Xingalool.
Ololaha doorashooyinka maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa bilaabmay abaabulkiisi markii u horeysey, halkaas oo masharixiin badani ay isu sharaxayaan jagada madaxtinimada Puntland, hadaba waxaa ka mid ah musharixiinta musharaxan Ilka-jiir oo ka soo jeeda bariga Sanaag ayaa dhowaanahanba u ololeeynayey jagada madaxtinimada Puntland.
General Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey booqashooyin iska daba jooga oo uu ku marayey degaanada bariga gobolka Sanaag, musharaxan mudadii safarkiisi dibada isla markaana soo gaadhay gudaha gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaanada Badhan, Hadaaftimo, Dhahar, iyo Xingalool, Musharaxan ayaa u jeedadiisu tahay sidii uu u hanan lahaa xilka maamul goboleedka Puntland oo dhici doonta sanadkan. Dhanka kale a Bariga Sanaag oo ay labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ku muran sanyihiin, dhinac walibana uu sheegayo in uu ka arrimiyo , mushaharooyina ku bixiyo, ayaa waayadan danbe uu General ilka Jiir ka bilaabay olole hor leh.
Arrimahaas kala soco horyaalka
Shabakada Sanaag.org
Somaliland

Suldaan Siciid Cabdisalaam, iyo Gen Ilka-jiir