Page 1 of 2

Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Thu Aug 21, 2008 7:38 am
by Executive
I reckon this is the best somali song by far. He sang this about a girl he meet in Beledweyne.

If you dont understand the lyrics, sit down with your ayeeyo and let her explain.





Bi'i waa jacaylow
boodhari inuu dilay
been baan u haystee
bi'i waa jacaylow
boogaan la dhayinoo
cidi baanan karinoo
beerka iyo wadnaha iyo
bogga kaaga taalliyo
inuu yahay bir caashaqu
been baan u haystee.

webigoo butaacoo
beeraha waraabshoo
dhulku baadku jiifoo
dhirta ubaxu buuxshoo
badarkiyo gelleyddii
laga tuuray baalkoo
canabkii bislaadoo
bulladiyo ciyaaraha
lagu waa bariistoo
beeluhu gu' joogaan
saw bari samaadkii
beledweyne maan tegin.
dhanka bari magaalada
saw boqorod joogtoo
biyo dahab la moodoo
bilicdii haweenkiyo
bili loo dhammeeyoo.

Timo boqonta joogoo
baal goray la moodoo
baarkana casaankii
bidix midig is gaadhoo
bul cad lagu sideeyo.
badh ku seexanaysoo
barkanaysa qaaroo
huuwanaysa baaloo
igu beertay lahashoo
u buseelay maan baran.

saw goor barqa ahoo
bishu ay siddeed tahay
aniga iyo beerlula
isku maanan soo bixin.

saw bariidadaydii iyo
saw badashadeedii
buundada ciyaartee
beledweyn ku taalee
biyo lulata guudkood
badhtankeeda maahayn.
sow bixiso weeyee
balan maanu dhiganoo
beri joog imay odhan.
sow bayd go'aygii
layguma bushaarayn.
maantaa la baxayaa
bulshadii imay odhan.
sow waa bestayoo
socod beegsan maayee
Ina baaja caawoo
I baxnaansha maan odhan
sow taliye baasoo
ba' anoo war moogi
taydii ma beeneyn
sow badiba kooxdii
goortay badheedheen
baabuurka fuuleen
ana baal kamaan korin
boholyow daraaddii
sow baraq nuglaantii
balo lagu ducaystiyo
baryo kuma maqnaynoo
biri may xumaatoo
baadroolka daadsho
ka wadaa bukoodoo
bogsan waayo maan odhan
Sow beriga waagiyo
barqa kulul dhexdoodii
geed baaxad weynoo
dherer iyo ballaar lehoo
baladweyn ku caanoo
la yiraahdo baaroo
bilig dheer hirkiisii
ma bidhaansanaynoo
bulxankiisa yeedhiyo
ma maqlaynin baaqoo.
sow baaxad soorihii
iyo laba boglayntii
maan noqon bestayoo
bacadkii ma dheelliman.
sow galab boqoolkii
annagoo barwaaqiyo
meel baadle joognoo
tumanaynna Beerrey
Sooma soo baraarugin
riyo beena weeyee
saw baalla daymii
baabuur lalaayoo
haad baalle moodoo
fananaayo buur dheer
isma odhan ka boodo
nafta sow ma biimayn
nin Banaadir joogoo
baledweyn la haystoo
waxaan ahay la baabee
saw baadi doonkii
wali baafis maan ihi

beledweyn alahayow
ka dhig guri barwaaqee
beerlula alahayow
balaayada hareer mari
beledweyn alahayow
ka dhig beerta raaxada
beerlula alahayow
guryo samo ku nooleey
beledweyn alahayow
ka dhig xero baraare
beerlula alahayow
garab mari waxyeelada
beerlula alahayow
garab mari waxyeelada
beerlula alahayow
balaayada hareer mari
beerlula alahayow
guryo samo ku nooleey

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Thu Aug 21, 2008 7:48 am
by Somaliweyn
A fitting song for a beautiful city....and apparently a beautiful girl.

One glimse on google earth of Beledweyne brought back memories of this beatiful song in my head :D

BTW.

''baarkana casaankii''

Can someone translate that? The word baarkana sounds familiar but I cant get the correct translation.

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Thu Aug 21, 2008 7:49 am
by Ni Hao

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Thu Aug 21, 2008 10:52 pm
by FAH1223
:lol: everyone heard this song nicca

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Thu Aug 21, 2008 10:54 pm
by Goljano Lion
Beledweyne jabtay Xawadlenah jab jab

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Thu Aug 21, 2008 11:12 pm
by ciiseguure
Somaliweyn:
Baarkana Casaankii ** Bidix Midig isgraaroo

Baarkana Casaankii, means (Isha Baarkiisa siduu u cad yahay, Bidix iyo Midig ayuu is gaarooyaa).

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Thu Aug 21, 2008 11:38 pm
by 1nemansquad
Best Somali song of all time period.. I love this song..

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Fri Aug 22, 2008 12:14 am
by abgaalKING
Nin banadir joogaa baladweyn la heystoo. 8) :rose:

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Fri Aug 22, 2008 2:40 am
by Somaliweyn
''Baarkana Casaankii, means (Isha Baarkiisa siduu u cad yahay, Bidix iyo Midig ayuu is gaarooyaa).''

so baarka=the white part of the eye? or the lenght of the eye? can u be more precise bro.

Thanx

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Fri Aug 22, 2008 5:50 am
by Executive
Beledweyne is where the somali hurul-caayns are from :lol: :lol:

:rose: 8)

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Fri Aug 22, 2008 5:55 am
by ciyaal_warta
Executive wrote:Beledweyne is where the somali hurul-caayns are from :lol: :lol:

:rose: 8)

:up: :rose: :rose: Baladweyne all day and everyday :somalia: :somalia:

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Fri Aug 22, 2008 5:57 am
by ciyaal_warta
Goljano Lion wrote:Beledweyne jabtay Xawadlenah jab jab
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

waryaa baladweyne qamadi leyskuma dagaalo atleast canbe iyo moos iyo wax nafci leh aa leesku jajabiyaa nooh kkkkkkkkkk :lol: :lol:

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Fri Aug 22, 2008 4:37 pm
by kambuli
Executive,

Do you know that Hadraawi is related to you? :?

Somaliweyn,

"Baarkana Casaankii" He is talking about her hair..and he says her hair, the lowest section(Baarkana) of her hair is redish(Casaankii) in color from left to right.

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Sun Aug 24, 2008 2:51 pm
by Executive
kambuli wrote:Executive,

Do you know that Hadraawi is related to you? :?





No but could you please tell me :D

Re: Amazing lyrics by Hadrawi (Beledweyne Song)

Posted: Sun Aug 24, 2008 2:57 pm
by GENERAL_SNM
O Executive ma Habar Jecla......