Dibadbax ballaaran oo ka dhacay Garbaharey

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Dibadbax ballaaran oo ka dhacay Garbaharey

Post by CoolPoisons »

Garbahaareey: Boqolaal dad ah oo isugu soo baxay fagaaraha xarunta maamulka degmada Garbahaareey ayaa dibadbax halkaasi ay ka sameeyeen waxaa ay kaga soo horjeedeen dagaaladii saddaxda maalmood ka dhacayay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyay kooxaha Islaamiyiinta ee siyaasadda dowladda Ka soo horjeeda Iyo maleeshiyaad magaaladaasi ku sugnaa.

Waxaana ka soo qeyb galay bannaanbaxaasi oo bartamaha degmada Garbahaareey ka dhacay mas`uuliyiin isugu jira maamulka gobolka Gedo, kan degmada Garbahaareey, Odayaal, Waxgarad iyo bulshada degmadaasi ku dhaqan.

Inta badan mas`uuliyiintii halkaasika hadashay waxay si kulul ugu hadleen dagaalkii xooganaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, kaasi oo ay ku tilmaameen mid gar daro ah.

Hasa yeeshee waxay cambaareeyeen weerarkii gaadmada ahaa ee Islaamiyiintu ayku soo qaadeen magaalada Xeebeedka Jubbadda hoose ee Kismaayo.

Waxayna ugu baaqeen islaamiyiinta oo iminka gacanta ugu jirta magaalada Kismaayo inay u turaan shacbiga halkaasi ku dhaqan sidoo kalana ugu baaqeen in ay ka joogiyaan dhibaatooyinka.

Sikastaba ha `ahaatee, dibad baxani maanta ka dhacay degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli magaalada Kismaayo maanta uu ka bilowday barakacii ugu xooganaa, kadib markii Islaamiyiintu magaaladaasi ay ku xoogeysteen
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”