Sh. Xasan Daahir Aweys oo Kismayo ku soo fool leh!

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Sh. Xasan Daahir Aweys oo Kismayo ku soo fool leh!

Post by CoolPoisons »

[2008-08-25 20:08:29] Warar lugu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalooyinka Asmara iyo Kismayo, waxay xaqiijinayaan in Sh. Xasan Daahir Aways uu soo dhexgalay khilaaf weyn oo u dhexeeya madaxda ciidammadii Kismayo qabsaday.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Sh. Xasan, uu dadaal badan ugu jiro sidii meel dhexe uu isugu keeni lahaa saddexda kooxood ee mid walba uu doonayo in isaga looga danbeeyo maamulka Kismayo. Sh. Xasan waxaa la sheegayaa in uu damacsan yahay in uu si deg-deg ah Airpor-ka Kismayo uga soo dago, taas oo hadii ay dhacdo aan la hubin cida ku wehelin doonta imaanshihiisa Kismayo.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Sh. Shariif Sh. Axmed, uu isna la soo xariiray qaar kamid ah kooxahan kismayo isku haysta, kaas oo sida la xaqiijinayo isna doonaya in uu talo ku yeesho qaabka wax loo maamuli doono.

Khilaafka ugu weyn, wuxuu u dhexeeyaa Ururka Al-shabaab, garabka Sh. Mukhtaar Roobow (Abu mansuur) iyo garabka kale oo sheegta Al-shabaab, oo uu hogaamiyo Sh. Xasan Turki, iyo koox hoos timaada MMI.

Garabka Al-shabaab ee uu hogaamiyo Sh. Xasan Turki, waxaa loo arkaa in uu yahay qabiil mararka qaar iska tuuraya shaati-diimeedka la wadda huwan yahay (magaca al-shabaab). Waxayna rumaysan yihiin in ay qabsadeen dhul horey looga haystay.

Waxaa iyana jira dhowr kooxood kale oo loolan hoose kaga jira ismariwaaga Kismayo ka jira.

Waxaa kaloo la xaqiijinayaa in madaxda iyo horjoogayaalka xulufadda Kismayo qabsatay ay ka wadda xun yihiin in Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) uu isagoo nabad qaba tago gobolka Gedo, oo ay taas ka jeclaan lahayen in la dilo.

Lama saadaalin karo wax laga fili karo Magaalada Kismayo.

A. Gurato
Gurato2@hotmail.com

http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=965
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”