Breaking news terrorist search Gen Ahmed Warsame's house
Posted: Wed Aug 27, 2008 9:09 am
ODAYAASHA DEGMADA BAARDHEERE OO EHBIYEY SHABAABKA BAARDHEERE; GEN. WARSAME OO AY GURIGIISA KISMAAYO ICU-DU BAARTAY; IYO AWXIRSI OO MANDHERA GAARAY
Odayaasha Guurtida degmada Baardheere ayaa saaka kooxda Alshabaab ee Baardheere ku sugan u sheegtay in ay degmadaa isaga tagaan, haddii kalena ay u diyaar-garoobaan in uu shacabku ku jihaado iyaga.
Arrintaa ayaa waxaa ka horreeyey iyadoo ay Suufiyaasha degmadu horay dagaal xabbado wata isugu qaadeen magaalada Baardheere masaajidka ku yaalla ee loo yaqaanno "Jaamaca."
Waxaa kale oo horay u jiray khilaaf xooggan oo ka dhexeeyey Alshabaabka Gobolka Gedo iyo odayaasha Beesha Marreexaan ee halkaa ku sugan.
Dhinaca kale Guriga Generaal Axmed Warsame ayaa waxaa xalay baaray kooxda argaggixisada ah ee ICU-da. Guriga Generaalka ayaan la caddeynin sababta loo galay ilaa iyo haatan.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Md. Ibraahim Aw Xirsi uu tegay magaalada Mandheera ee dalka Kiiniya, iyadoo sida ay wararku sheegayaan uu halkaa wada-hadallo kula leeyahay madaxda dalkaas.