Ilka Jir- DEGMADA TAARIIKHIGA AH EE LAASQORAY
Posted: Tue Sep 02, 2008 2:26 pm
Maanta galinkii hore ayaa waftigii Gen-ka C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir waxay ka boqooleen dhanka Magaalada Dhahar oo ay mudo 3-cisho ah ku sugnaayeen iyaga oo u soo jeensaday dhanka Degmada Xeebta leh ee Laasqoray, iyaga oo la sheegay in aad halkaasi loogu soo dhaweeyay Gen-ka iyo waftigiisii.
Saraakiisha Amaanka ee la socda Gen-ka ayaa warbaahinta u sheegay inay maanta galinkii danbe gaadheen Degmada Laasqoray, iyaga oo sidoo kale noo sheegay in Magaalada Laasqoray si aad ah loogu soo dhaweeyay Waftigaasi.
Saraakiishu waxay tibaaxeen dhanka kale inuu Gen-ku maalinta bari ah kulan la qaadan doono Guurtida magaalada Laasqoray kuwaasi oo qalinka iskula doogi doona sidii Dalka looga dhalin lahaa Amaan looga xakamayn lahaa kuwa doonaya inay ka dhigaan lama galaan.
Odayaasha Degaanka Laasqoray iyo Gen-ka ayaa sidoo kale isla soo qaadi doona sida ay sheegayaan warar duul duul ahi sidii loo taageeri lahaa dibu dhiska Dekada Laasqoray oo dhamaan umada Reer Sanaag dhexda ugu xidhan lahaayeen dhagax dhiga Dekeda Laasqoray.
Geb-ka ayaa waxa uu maalahan safar labaad ku marayay magaalooyinka Ceelbuh iyo Dhahar isaga oo dhamaan Cuqaasha deegaanadaasi la kulmay oo ay isku afgarteen ka shaqaynta hormarka Gobolka.
http://laasqoray.net/view_article.php?articleid=3974