


Berberea- Ciidanka Booliska ee Gobalka Saaxil, oo ay is kaashanayeen ciidnaka, sirdoonka iyo CID- ayaa xalay hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Berbera gacanta ku soo dhigay koox dablay ah oo ka kooban shan nin kuwaas oo damacsanaa in ay ka fuliyaan xeebaha Somaliland hawlgal budhcad badeednimo ah.
Maayarka magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo arinta ka hadlay ayaa sheegay in kooxdan laga soo qabtay guri ku yaala magaalada Berbera oo ay ku haysteen hub sharci daro ah oo ka kooban baasuukayaal iyo qoryaha boobayaasha ah sida oo kale waxa ciidanka amaanku gacanta ku dhigeen oo kale laba laash oo ay kooxdani u diyaarsadeen in ay ku fuliyaan af-duub ay u gaysan lahaayeen maraakiibta maraysa biyaha Somaliland waxa uu maayirka magaalada Berberi ugu baaqay dhamaan shacabka reer Somaliland inay feejignaan muujiyaan islamarkaana gacan ku siiyaan ciidanka amaanka ee ku hawlan sidii ay hawshan waxa uga qaban lahayeen islamarkaana waxa uu intaas ku daray in dadkeenu aanu waxan oo kale dhaqan u lahayn.
Sida oo kale sarkaal u hadlay ciidanka amaanka ee gobalka saaxil ayaa sheegay in kooxdan ay la socdeen dhaqdhaqaaqooda ciidanka baadhista dambiyada CID, waxa sarkaalkani intaas ku daray in ciidanka ay baadhis xoog leh ku hayaan arintan ay ku hayaa, isla markaasna ay hayaan ragaasi iyo qalabkoodiiba iyo hubkii ay siteenba.