Hawlgalkan oo ay iska kaashanayeen ciidanka policeka saldhiga bartamaha qaybta policeka maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa saaka kabiloowaday xaafada kulaasha xeebta magaalada Bosaso ee looyaqaano xaafatul carab iyadoo ciidanka polieku ay guri guri ubaarayeen dhamaan guryaha kuyaala xeebta magaalada bosaso
Raashin bisil oo isugu jira bariis,baasto,kaluun cabitaan diyaarsan iyo waliba dadkii hawshan cunto karinta ah kugudo jiray xiligan ramadaanka ah ayey ciidanka policeku kugulyasteen in ay gacanta kusoo dhigaan kadib dhowr saacadood oo uu hawlgalkan socday
Taliyaha saldhiga bartamaha magalada bosaso oo ah goobta raashinkan iyo dadkii karinayeyba lakeenay gaashaanle c/raxmaan c/qaybdiid Ciise ayaan waydiyey sida ay ku'ogaadeen goobahan cuntada xaaranta ah lagu karinayey xiligan ramadaanka ah waxaana uu Noo sheegay in ay hawshan ka qayb qaateen dadka Xaafadaasi Cuntada Laga soo qabtay iyo dadkii karinayey Cuntada Xiliga ramadaaka.
masii wadi doontan mise maanta ayey ku'egyihiin hawlgalada noocan oo kale ah ayaan markale waydiiyey gaashaanle c/raxmaan Balse waxaa uu sheegay in ay arintani Maanta Bilaabay ayna sii socondoonto Hawl galada Noocaan ah ee ay Ciidanku samaynayaan.
haweenay kamid ah dadka hawshan cunto karinta ah lagu sooqabtay ayaan waydiiyey sababta kukalifay in ay cunto kariso xiligan ramadaanka ah iyadoo ilaahay xaarantimeeyey in cunto laga ganacsado xiliga maalintii ah inta lagu gududo jiro bisha barakaysan ee Ramadaanka waxana ay ii sheegtay in ay Cuntadan ku quudiso Caruur agoon ah oo aan lahayn Aabe iyo cid Masuul ah oo ku taxaluqa Quudintooda waa sida ay hadalka u Tiriye.
waa hawlgalki ugu horeeyey ee ay ciidanka policeku kuladalamayaan ganacsiga cuntada xiliga maalintii ah inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaanka waana hubaal in hadii ay siiwadaan ciidanka policeku ay adkaand doonto in la'arko wax meherad ah oo cunto lagu karinayo.
Xasan faarax Gudaal(Xasan Yare)
Gudaal18@hotmail.com
Allsanaag News
---------------------------------------------
WELL DONE
stopping little crimes will prevent even bigger acts of crime
