The Irish in Somaliland

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Nacaas77
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 555
Joined: Mon Jul 07, 2008 10:56 am

The Irish in Somaliland

Post by Nacaas77 »

Maal-qabeen Irish ah Oo Sheegay inuu u hawl-gelayo soo saarista saliida jsl.
Written by Qarannews
Sep 28, 2008 at 03:07 PM


Dublin : Ganacsade u dhashay dalka Ireland oo ka mid ah Maalqabeenada Shirkaddaha Saliida ee dedaalka ugu jira sidii J. Somaliland Liisanka Caalamiga ah ee Saliida loogu dari lahaa, ayaa la sheegay inuu xilligan u soo jeesanayo hawlaha J. Somaliland.

Wargeyska ka soo baxa Caasimadda Ireland ee Dublin The Irish Times, ayaa maqaal uu faafiyay ku sheegay in ganacsadaha Reer Ireland John McKeon uu dareenkiisa siinayo qodaalka Salliidda Jumhuuriyadda Somaliland. Isla markaana McKeon oo ah mid ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkadda Enex Energy Resources, taas oo mashruuc wada-jir ah oo arrintaa la xidhiidha kula jirta Xukuumadda J. Somaliland iyo sidii ay ku heli lahayd liisan ay u hesho khayraadkeeda koonfur/bari.


Wargeysku wuxuu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda J. Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu toddobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dublin. Shirkadda Enex waxay ka diiwaan-gashan tahay Dalka Ireland. Guddoomiyeheeda Len Tiahlo ayaa isaguna sheegay inay rajaynayaan inay bilaabaan sarfeeygii J. Somaliland marka la gaadho Ciidda Kiristaanka ( Decembar 2008 ) isla markaana waxay rajaynayaan inay qodaal ku sameeyaan laba ceel oo tijaabo ah. Guddoomiyuhu wuxuu ku tilmaamay khayraadka halkaa ( labada ceel ) ku jiraa inay yihiin heer ahaan "heerka caalamka," taas oo macneheedu yahay in laga heli karo boqolaal kun oo milyan oo foosto oo salliid ah. Hase ahaatee, khayraadkaasi wuxuu sii ahaan doonaa mid aan la arkin. Isla markaana goobaha ay ceelashaasi ku yaalaan waa kuwo khatartooda leh, maadaama ay sheeganayaan Shirkad Kanadiyaan ahi.


Hase yeeshee, sheegashada shirkaddaas waxay xukuumadda J. Somaliland ku sheegtay mid been-abuur ah. Waa laga yaabaa inay tani tahay mid xaqiiq ah, laakiin hadii Mr Tiahlo uu ku saxsan yahay khayraadkan suuragalka noqon kara, waxa hubaal ah inay waajib ku tahay inuu ku dagaalamo soo saarida xuquuq-sharciyeedka lagu qodayo salliiddaas. Sidoo kalena, taasi waxay noqonaysaa mid aan waxba la wadaagayn argagixisada iyo budhcadda ka hawlgasha gobolka ama xaqiiqada ah in J. Somaliland aanay ahayn weli waddan Qaramada Midoobay laga aqoonsan yahay. McKeon laftiisuna kuma cusba inuu ganacsiga noocaas oo kale ah ka fuliyo Qaaradda Afrika.


Source:The Irish Times
makumba59
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 635
Joined: Mon Jan 02, 2006 10:01 pm
Location: Goa

Re: The Irish in Somaliland

Post by makumba59 »

I doubt if nana Elizabeth will allow such thing.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”